4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 17, 2014
Maraykanka oo Shaqaale Gargaar u diraya Dalalka uu Aafeeyay Cudurka Ebola

Arbaco, September 17, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa amray in ciidamo gaaraya 3,000 oo shaqaale milatari ah loo diro wadamada uu cudurka Ebola ku dhuftay si loo yareeyo khasaaraha ka dhashay xanuunkan oo sii kordhayay bilihii la soo dhaafay.

Waxaa ciidamadan ay u badan-yihiin shaqaale caafimaad oo tababarro kala duwan u fidin doona dhaqatiirta ka howl-galaysa dowladaha  ku yaalla galbeedka Afrika oo ay ku jiraan Sereliyon iyo Liberia ,xilli tirada dhimashada ay sii kordhayso.

“Galbeedka Afrika cudurkan waxa uu ka noqday mid halis ah oo sii fidiya sida aan hadaba aragno “ayuu yiri madaxweynaha oo kulan gaar ah la yeeshay qaar kamid ah dhaqaatiirka ugu waa weyn Maraykanka.

Shaqada ay qaban doonaan shaqalahan loo dirayo galbeedka Afrika waxaa ku jirta in ay bulshada ka wacyi-galiyaan halista Ebola iyo in ay taageerro u fidiyaan dadka doonaya in ay ka bad-baadaan xanuunkan .

Mas’uul u hadlay Milatariga ayaa sheegay in  ciidamadan ay xarumo gar-gaar ka hirgalin doonaan magaalada Monrovia oo ah caasimadda Libira si loo ballaaariyo barnaamijka taageerada ah ee dadkan lagu caawinayo.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa warbixin ay asbuucii hore soo saartay ku sheegtay in tirada dhimashada ay gaarayso 2,400 oo ruux ka dib 4,784 kiis oo laga helay wadamadan uu cudurkan ku dhuftay.,waxaana dowladda Maraykanka ay horey ugu yaboohday lacag dhan 500 Milyan oo wax looga qabanayo cudurkan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]