4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 17, 2014
Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland oo mamnuucday inla dabto Aaragostada

Arbaco, September 17, 2014 (HOL) — Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland ayaa soo saartay amar looga mamnuucayo kalluumaysatada inay dabtaan kalluunka nooca loo yaqaan Aaragoostada oo kamid ah noocayda ay badda Soomaaliya qaniga ku tahay.

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda kalluumaysiga C/raxmaan Kulmiye ayaa sheegay in sababta go'aankaas loosoo saaray ay tahay sidii looga gaashaaman lahaa in Aaragoostadu ay dabar go'do, maadama lagu jiro xilligii ay tarmi lahayd.

"kalluunka nooca Aaaragoostadu waa noole khatar ugu jira inuu dabar go'o khasabna ay tahay in la ilaaliyo maadaama uu kamid yahay noocyada kalluunka ugu qaalisan ee badda Soomaaliya hodonka ku tahay." Dr. Kulmiya ayaa yiri
.
Qaar kamid ah kalluumaysatada ayaa kasoo soo horjeestey amarka kasoo baxay Wasaaradda, iyagoo sheegay inuu yahay mid aan sinaba loo aqbali karin maadaama uu ka horgoojsanayo inay nolol maalmeedkooda lasoo baxaan, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Kalluumaysatadu waxa kale oo ay ku doodayaan in iyaga laga mamnuucay dabashada aaragoostada, baddana ay ku jiraan tobannaan markab oo laga leeyahay Yemen iyo Iran oo si sharci darro ah u qaata aaragoostada iyo noocyada kale ee kalluunka.

Dadka aqoonta uleh noolaha badda ayaa soo dhoweeyey tallaabada ay Wasaaradda Kalluumaysigu qaaday, maadaama lagu jiro xilligii Aaragoostadu ugxantada dhigi lahayd ee ay tarmi jirtey.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya