4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 17, 2014
Aabbe Somali-American ah oo sheegay in wiilkiisa uu ku biiray Kooxda Daacish

Arbaco, September 17, 2014 (HOL) — Aabbe Soomaaliyeed oo ku nool Mareykanka ayaa sheegtay in wiilkiisa oo ku noolaa gobolka Minnesota uu ka tagay uuna aaday dalka Siiriya si uu ugu biro kooxda Islaamiyiinta ah ee loo yaqaan Daacish.

Wareysi uu siiyaya abbahan oo dhalay Maxamuud Maxamed oo 19-jir ah laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayuu ku sheegay in wiilkiisa uu ka tagay magaalada Minneapolis bishii July 18-keedii, uuna afar casho kaddib kasoo wacay hooyadii dalka Siiriya, isagoo u sheegay inuu la joogo walaalihiis.

Sidoo kale, aabaha Maxamed ayaa sheegay in wiilkiisu uu ahaa nin deggen oo si caadi ah u noolaa, ayna isaga iyo hooyadii ka yimaadeen dalka Canada si ay halkan ugu qaataan bisha fasaxa ee Ramadaan.

“Maxamed wuxuu maalin Jimco ah aaday masaajidka iyadoo aan wax shaki ah laga qabin. Balse aad ayaan u naxnay. Waayo wiilkeygu arday ayuu ahaa, si dhakhso ah ayuuna isku bedelay. Inta badan masaajidka ayuu ku sugnaan jiray, safarkiisana wuxuu diyaarsaday innagoo aan ogeyn, taasna qoyska oo dhan aad ayay u niyad-jabisay, mana aanan filayn inuu sidaas sameyn doono,” ayuu yiri aabaha dhalay Maxamed Maxamuud.

Wiilkan 19-jirka ah wuxuu sii maray dalka Turkiga, isagoo markaas kaddib tagay dalka Siiriya halkaasoo ay ka dagaalanto kooxda ISIS, waxaa kaloo kooxdan ay ka dagaalantaa dalka Ciraaq.

Maxamed Maxamuud ayaa wuxuu ka mid noqonayaa dhallinyaro Soomaali Ameerikaan ah oo horay ugu biiray kooxdan islaamiyiinta ah ee Daacish oo dadaal ugu jira sidii ay dowlad islaami ah uga dhisi lahaayeen dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Intii lagu jiray sannadkan waxaa Siiriya lagu dilay C/raxmaan Maxamuud oo ahaa wiil Soomaali-Ameerikaan ah oo ka mid ahaa  dagaalyahannada ISIS, iyadoo sidoo kalena lagu dilay isla Suuriya ruux kale oo African-American ah oo isaguna ka tagay magaalada Douglas MacArthur McCain.

Aabaha dhalay Maxamed ayaa sheegay inaysan ka warhayn inuu wiilkoodu nool yahay iyo inuu dhintay, isagoo sheegay in wiilkiisu uu khatar weyn ugu jirto in la dilo ama uu wax dilo.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya