4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 17, 2014
Webiga Shabeelle oo qararka jabsaday kuna fatahay Xaafado ka tirsan Jowhar

Arbaco, September 17, 2014 (HOL) — Webiga Shabeelle ayaa ku fatahay qaar ka mid ah xaafadaha degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo maamulka degmada iyo dadweynuhu ay wadaan dadaallo ay kaga hortagayaan fatahaadaha webiga.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in xaafada Faanoole uu webigu ku fatahay, sidoo kalena uu horay ugu fatahay tuulooyin hoos-taga degmada Jowhar oo uu horay webigu fatahaado uga geystay.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in fatahaaddan ay timid kaddib markii uu webigu qararka jabsaday, iyadoo guddoomiyaha degmada Jowhar, Maxamed Amiin Cusmaan uu sheegay inay wadaan olole ay uga hortagayaan fatahaad intaan ka badan oo uu webigu sameeyo.

“Xaafadda Horseed waaxda Faanoole waxaa soo buuxiyay biyo fatahaad ah oo uu webigu sameeyay inkastoo aysan badnayn, balse dadaal ah sidii looga hortegi lahaa biyaha webiga ka yimid ayaa maanta socda,” ayuu Amiin.

Guddoomiyaha degmada Jowhar ayaa intaas ku daray in xaafadda Kulmis waaxdeda Buulo-makiino ay iyadana biyaha soo galeen, isagoo intaas ku daray in garoonka kubadda cagta ay biyo badan soo galeen.

Inta badan xilliyadan oo kale ayaa waxaa dhacda in webiga Shabeelle uu jabsado qararka, taasoo keenta in biyo badan ay galaan tuulooyinka ku dhow degmada Jowhar iyo xaafadaha degmadaas qaarkood.

Sannadihii lasoo dhaafay ayaa fatahaadaha webiga Shabeellada waxay saameyn xooggan ku yeeshaan dadka ku nool tuulooyinka ku dhow degmada Jowhar iyo weliba xaafadaha degmadaas, taasoo keentay inay dad badan ka barakacaan.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya