4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 17, 2014
RA'IISUL WASAARAHA: Ma jiro khilaaf noo dhexeeya aniga iyo Madaxweynaha

Arbaco, September 17, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/wali Sheekh Axmed Maxamed oo ku sugan magaalada London ee dalka Britain ayaa xalay la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dalkaas ku nool, isagoo soo hadal qaaday khilaaf la sheegay inuu isaga iyo madaxweyne Xasan soo dhex-galay.

Mudane C/wali Sheekh ayaa xusay inuusan jirin wax khilaaf ah oo isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya ka dhexeeya, wuxuuna wararkaas ku tlimaamay kuwo been abuur ah oo war-baahinta qaarkood ay baahiyeen.

“Aniga iyo madaxweynaha ma jiro khilaaf naga dhexeeya, madaxduna waa kuwo mideysan, waa la kala fikir duwanaan karaa, balse ma jiro khliaaf noo dhexeeya, wararkaas been abuurka ahna warbaahinta qaarkeed ayaa horay u baahiyay, idinkuna markaad wararkaasoo kale akhristaan ayaad canaan noo soo jeedisnaan,” ayuu yiri C/weli Sheekh.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xusay inay ka go’an tahay in inta aanu dhamaan sannadkan Al-Shabaab laga saaro dalka oo dhan, isagoo xusay in in tan iyo markii xukuumaddiisa la dhisay ay la wareegeen illaa 12-degmo oo horay ay uga talin jirtay Al-shabaab.

“Waxaan idiin ballan-qaadayaa in sannadka 2015-ka Al-shabaab meel ay maamulaan ama ay ku sugan yihiin laga waayo dalka oo dhan, dalka oo dhanna aan ka saarno,” ayuu mar kale yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlayay ujeeddada safarkiisa London ayaa xusay inuu salka ku hayo sidii loo tayeyn lahaa ciidamada qalabka sida ee Somalia, si ay awood ugu yeeshaan inay ammaanka dalka la wareegaan.

Beeninta ra’iisul wasaaraha ayaa waxay imaanaya xilli l sheegayo inay jirto kala aragti duwanaan u dhexeysa madaxweyanaha iyo ra’iisul wasaare C/weli Sheekh, taasoo ku saabsan xil ka qaadistii agaasimaha nabadsugidda Qaranka.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya