4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 17, 2014
Xoolo boqolaal kun gaaraya oo laga dhoofinayo dekedda Magaalada Boosaaso

Arbaco, September 17, 2014 (HOL) —Iyadoo ay muddo koobani ka harsan tahay xilligii xajka, ayaa waxaa dhammaan dekedaha dalka ka dhoofaya xoolo boqollaal kun gaaraya oo isugu jira ari, geel iyo lo'o.

Dekedda magaalada Boosaaso oo kamid ah dekedaha ugu shaqada badan Soomaaliya marka lasoo gaaro sanad kasta xilligan oo kale, waxaa dhowrkii todobaad ee ugu dambeeyey toos uga soconayey dhoofka xoolaha.

Dhanka kale labada maxjar ee ku yaalla bariga Boosaaso ayaa la ciirciiraya xoollo tira badan oo laga keenay gobollada dhexe, koonfurta, Somaliland iyo dhulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Xoolaha nool oo ah badeecada koowaad ee dhaqaalaha Soomaaliya uu ku tiirsan yahay, waxaa sanad walba kasoo xeroota lacag adag oo gaareysa tobannaan milyan oo doolar.

Dalalka ugu badan ee sida joogtada ah u qaata xoolaha Soomaaliya ayaa ah wadamada Khaliijka, gaar ahaan Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Tirada xoolaha ka dhoofay sanadkii hore dekedda magaalada Boosaaso aad bay u yarayd marka loo barbar dhigo dekedda Berbera oo ay xoolo dhoofinta ku tartamaan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya