4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 22, 2014
Madaxweynaha Maamulka Khaatumo oo laga masaafuriyey dalka Itoobiya

Arboco, Oktoobar 22, 2014 - Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in Madaxweynaha maamulka Khaatumo Mudane Cali Khaliif Galyer lagu amray in isaga baxo dalka Itoobiya.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta ay dowladda Itoobiya u masaafurisay Madaxweyne Cali Khaliif, laakin waxaa loo maleeynayaa in maamulada Somaliland iyo Puntland ay culeys ku saareen dowladda Itoobiya in la masaafuriyo Madaxweyne Cali Khaliif. Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa si toos ah uga soo horjeestay maamulka Khaatumo.

Wixii warar ah ee arrintaan ku soo kordha dib Ayaan idiinku soo sheegidoonaa