4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 22, 2014
Arday Soomaaliyeed oo wax ka barta Turkiga oo looga shakiyay Cudurka Ebola


Arbaco, Oktoobar 22, 2014 (HOL) — Wakaalada wararka dalka Turkiga ee Anadolu ayaa maanta daabacday in saddex qof oo uu ku jiro arday Soomaaliyeed oo cudurka Ebola looga shakiyay ayaa la dhigay isbitaallo ku yaalla gobollada Izmir, Kahraman Marash iyo Konya.

Ardaygan Soomaaliyeed oo ah wiil 20-jir ah oo cilmiga caafimaadka ka barta jaamaacadda Dokuz Eylül ayaa la sheegay inuu dhawaan booqday Somalia, uuna maray Saudi Arabia ka hor intii aanu dib ugu laaban dalka Turkiga.

“Wiilka ardayga ah waxaa lagu arkay qandho badan iyo matag, waxaana looga shakiyay in uu qabo cudurka Ebola,” ayaa laga soo xigtay howlwadeennada isbitaalka la dhigay wiilkan Soomaaliga ah oo aan magaciisa la sheegin.

Cudurkan Ebola oo kumannaan qof ku dilay dalal ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika ayaa caalamadihiisa waxaa ka mid ah qandho badan, matag, shuban iyo sidoo kale jirta oo noqday sidii wax gubtay.

Dalka Turkiga ayaa dadka isbitaallada ka dhigay ee cudurkan looga shakiyay ayaa gaaraya shan qof, kuwaasoo afar ka mid ah la sheegay inay dhawaan ka laabteen dalka Sucuudiga oo ay kusoo guteen waajibka xajka.

Sidoo kale, dhakhaatiirta isbitaallada la dhigay dadkan looga shakiyay Ebola ayaa sheegay inay ku sameyn doonaan dadkan baaritaanno, markaasoo ay si rasmi ah u caddeynayaan in cudurka ay qabaan uu yahay Ebola iyo in kale.

Turkiga ayaa waxaa ku sugan arday Soomaaliyeed oo halkaas waxbarasho u tagay, iyadoo sidoo kale ay ku sugan yihiin dad Soomaaliyeed oo howlo kale u jooga dalkaas, sida kuwo ka shaqeysta.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in 4,500 oo qof ay cudurkan ugu dhinteen dallaka Liberia, Sierra Leone iyo Gini oo ku yaalla Galbeedka Afrika, kuwaasoo weli uu cudurku faro ba’an ku hayo.

Waa markii ugu horreysay oo dalka Turkiga laga sheego in dad cudurkan looga shakisan yahay la dhigo isbitaallo ku yaalla dalkaas, iyadoo dalka Turkiga uu howlo samafal iyo dib u dhis ah kawado gudaha Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya