4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 22, 2014
Gobolka Hiiraan oo laga soo dhaweeyay hirgelinta xafiiska Hay'adda Shabeelle


Arbaco, Oktoobar 22, 2014 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo ayaa ka qeyb-gallay furitaanka xafiis cusub oo degmada Beledweyne uu ku yeeshay NGO-ga Shabeelle Foundation oo ka shaqeeya arrimaha la xiriira hormarinta iyo bani’aadanimada.

Guddoomiye ku-xigeenka ammniga Max’ed Ibraahin iyo guddoomiyaha degmada Max’ed Cismaan Macalin Khalaafoow  ayaa si wadda jir ah u soo dhaweeyay wax qabadka NGO-ga, iyaga oo dalbaday hay’addaha samafalka in ay la shaqeeyaan xafiiska cusub.

Wakiilka Shabeelle Foundation Max’ed Aadan Careys ayaa sheegay  horay howlo badan uga qabteen gobolka, laakiin ay hadda si rasmi ah xarun cusub uga hergaliyeen gobolka, siina laba jibaari doonaan howlaha ay qabtaan.

“NGO-ga waxaa uu ka shaqeyn doonaa ka hortaga fatahaada, qodista kanaalada, waxbarista gabdha ka soo jeeda qoysaska dan-yarta ah, shaqo abuuris iyo waliba arrimaha la xiriira bani’aadanimada oo idil ayuu yiri,’’ Max’ed Aadan Careys.

Duqa magaalada Beledweyne Cumar Aadan Baadiyoow ayaa sheegay in dhinacooda ay siweyn ula shaqeyn doonaan xafiiska cusub oo sidda uu sheegay ku soo beegmay waqti loo baahnaa madaama ay qeybo ka mid ah xaafaddaha magaalada Beleweyne uu ku fatahay wabiga Shabeelle.

NGO-ga Shabeelle Foundation ayaa horay dad beeraley ah ku caawiyay kanaallo ay u adeegsadaan waraabka beeraha, isaga oo dhinaca kalana quudin u sameeyay dad dan’yar oo ay ka mid yihiin barakacayaasha ku nool magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne,Soomaaliya