4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 22, 2014
Dowladda Somalia oo Gar-gaarkii ugu Horreeyay Gaarsiisay Degmada Cadale

Arbaco, Oktoobar 22, 2014 (HOL) — Dowladda Soomaaaliya ayaa markii ugu horreysay raashin gargaar ah gaarsiisay maanta degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe oo ka mid ah deegaannadii ay bishan ciidamadeeda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Xarakada Al-shabaab.

Gaadiid waday gargaarkan ayaa xalay ka baxay Muqdisho iyagoo si nabad ah ku gaaray degmada Cadale oo 200-km waqooyi-galbeed kaga began magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Raashinkan gargaarka ah ayaa wuxuu ka mid yahay kuwa ay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ugu talo-gashay inay goobaha Al-shabaab laga saaray dadka ku nool ku caawiso.

Waa markii ugu horreysay oo gargaar ay dowladdu u dirtay deegaannada ay Al-shabaab ka qabsatay ay si nabadgalyo ah ku gaarsiiso dowladdu gargaar raashin ah, iyadoo horay ay deegaanno badan oo gargaar la geeyay loogala kulmay dagaallo ay Al-shabaab ku qaadeen gaadiidka gargaarka wada.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellada Hoose iyo kuwa dowladda ayaa sheegay in gargaarkan aan weli la qaybin, balse uu yahay mid loogu talogalay in lagu caawiyo shacabka degmadaas ku nool oo dhibaatooyin kala duwan kulmay.

Degmada Cadale ayaa waxaa dhawaan booqday madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi ka socda Qaramada Midoobay si ay indho-indheyn ugu sameeyaan xaaladaha amni iyo midda nololeed ee degmada ka jirta.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa deegaanno dhowr ah oo ay ka mid yihiin Baraawe, Jalalaqsi iyo Cadale kala wareegay ururka Al-shabaab oo muddo sannado ah ka talinayay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya