4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 22, 2014
Jaamacadda SIMAD oo Maanta Shahaadooyin Master ah Guddoonsiisay Arday


Arbaco, Oktoobar 22, 2014 (HOL) — Jaamacada SIMAD ayaa maanta shahaadada heerka labaad ee Master Degree guddoonsiisay 29-arday oo ka qalin-jabisay xarunta daraasaadka sare ee jaamacadda, waxayna iskaashi kala sameysay waxbarashada ardayda jaamacadda Open ee dalka Malaysia.

Agaasimaha xarunta daraasaadka sare ee jaamacadda SIMAD Inj. Maxamuud Maxamed Calasoow oo hadal ka jeediya xafladda ayaa sheegay in tallaabadani ay dad badan u xaqiijinayso in waxbarasho heer sare ah oo dalka wax kusoo kordhisa laga heli karo gudaha Somalia, iyadoo aan dibadda la aadin.

“Tallaabadan waa bilowga guusha xarunta iyo jaamacaddaba, waa hubsiimo ay heleen ardayda oo ah inay hadafkooda gaari karaan, waa aqoon sare oo suuro-galinaysa in laga gudbo ganacsiga ku dhisan hab-dhaqameedka ee loo gudbo ganacsi ku saleysan cilmi iyo tiknolojiyad,” ayuu yiri Inj. Calasoow.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka jaamacadda ee arimaha horumarinta, Daahir Xasan Carab ayaa isna tilmaamay in gobollada dalka ay ardaydu ka heli karaan adeeggan oo ay iska kaashanayaan jaamacadaha SIMAD iyo tan OUM. Dufcada ka qalin-jabisay sannadkan jaamacadda OUM ee kala jooga dalal badan oo caalamka ah waxaa kaalinta koowaad galay arday ka mid ah kuwa maanta qalin-jabiyay oo lagu magacaabo, C/raxmaan Maxamuud Saalax.

Waxaa ina hadlahy, guddoomiyaha jaamacadda SIMAD C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo u hambalyeeyay ardayda dhammeysatay waxbarashada. Isagoo tilmaamay in ardaydan maanta qalin-jabisay ay shahaadada koowaad kasoo qaateen jaamacado kala duwan oo ku yaalla Muqdisho iyo gobollada, taasoo muujinaysa in barnaamijkaan uu yahay mid u furan dhammaan ardayda Soomaaliyeed.

Odawaa ayaa intaas ku daray in jaamacadda SIMAD ay waqti ku bixiso sidii loosoo saari lahaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo xirfad leh, iyadoo sannad kasta waxbarasho u dirta arday iyo macallimiin, isagoo xusay in jaamacaddu ay tahay waqaf oo aysan faa’iido doon ahayn, dhaqaalaha laga helo ardayda wax-ka-bartana lagu horumariyo jaamacadda si ay adeeg waxtar leh ugu qabato bulshada.

Sannadkii 2012-kii ayaa la billaabay mashruucan ay iska kaashanayaan jaamacadaha SIMAD iyo OUM oo lagu baranayo takhasusaad Master-ka ah oo ay ka mid yihiin maamulka ganacisga, mashaariicda, tiknolojiyadda iyo kuwa kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya