4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 22, 2014
Wajigii labaad ee ka-hortagga Gudniinka fircooniga ah oo Muqdisho ka Furmay


Arbaco, Oktoobar 22, 2014 (HOL) — Waxaa dib loo furay wajigii labaad ee ka wacyi-gelinta bulshada gudniinka fircooniga ah ee gabdhaha, iyadoo uu ololahan laga furay qaar ka mid degmooyinka gobolka Banaadir iyo gobolka Gedo, waxaana furitaanka ololaha ka qaybgalay madax ka tirsan dowladda, ururrada haweenka, dhallinyaro, madaxda hay’adaha samafalka iyo xubno kale.

Xoghayaha guud ee ururka Somali Aid Fountain ( SAF), Faysal Cali Nuur oo  ka hadlay furitaanka kulanka ayaa sheegay in barnaamjkan ka hortagga gudniinka fircooniga ah uu ka bilaabanayo gobolka banaadir iyo gedo kaas o socon doona 2014 illaa 2015, isagoo yiri. “Hay’addu waxay doonaysaa in dalka oo dhan laga ciribtiro gudniinkan maadaama uu yahay mid dhibaato ku ah gabdhaha Soomaaliyeed.”

Waxaa kaloo kulanka ka hadlay Dr. Luul Maxamed Maxamuu oo ka socotay Isbitaalka Banaadir waxayna tiri. “Gudniinka fircooniga ah waxaa ka mid ah dhibaatooyinkiisa dhiig-bax fara badan oo sababi kara dhiig-yari, in la jaro qaar ka mida kaadi-mareennada, xanuun daran waqtida gudniinka oo sababi kara suuxdin, huritaan ama nabarka oo caabuq keena, kaasoo dhibaato ku keeni kara gabadha.” Iyadoo intaas raacisay dhibaatooyin yimaada gabadha  mustaqbalka sida dhiigga-caadada oo ku adkaada, foosha oo ku cuslaata, xanuun xilliga galmada iyo IWM.

Ugu dambeyn, waxaa barnaamjka ayaa waaxa wajigiisa labaad furay wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, Aadan Axmed Aadan  oo u mahad-celiyey hay’adda SAF oo uu sheegey inay bulshada u hayso howlo muhiim u ah. Wuxuuna u soo jeediyay bulshada Soomaaliyeed iny xoogga saaraan sidii loo ciribtiri lahaa gudniinka fircooniga ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya