4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 22, 2014
SH. SHARIIF: Xaalka Somalia Xog-ogaal uma ihi waxaana ku jiraa Waxbarasho


Arbaco, Oktoobar 22, 2014 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Somalia. Shiikh Shariif Sh. Axmed oo ku sugan London ayaa wax laga weydiiyay sida uu u arko siyaasadda Somalia iyo xogta uu ka hayo. Kaddib wareysigiisii uug horreeyay tan iyo markii xilka uu ka dagay uu siiyay Telefishinka Royal ee xaruntiisu tahay London.

Sheekh Shariif ayaa marka hore ka hadlay safarkiisa London, isagoo xusay in ujeeddadiisu ay tahay sidii uu casharro uga qaadan lahaa jaamacadda Oxford ee Loondon, taasoo uu sheegay inay qaadan doonto lix bilood.

“London waxaan u imid sidii casharo kooban uga qaadan lahaa Oxford xilli lix bilood ah. Kaddib markii ay ii soo dhamaatay waxbarasho jaamacadeed oo aan u tagay Mareykanka,” ayuu yiri Sh. Shariif oo intaas ku daray inuu intii uu siyaasadda Soomaaliya ku mashquulsanaan lahaa uu go’aansaday inuu xoogga saaro waxbarashada.

Sidoo kale, wuxuu yiri. “Waxaan go’aansaday maadaama siyaasadda dalka ay marayso marxalad uu dib ugu dhismayo, inaa isku dayo wax kale inaan ku mashquulo oo aanan siyaasadda oo keliya ujeesan. Anigoo go’aansaday inaan waxbarto.”

Madaxweynihii hore oo la weydiiyay inuu fuliyay balan-qaadkii uu sameeyay markii uu xilka ka dagayay oo ahay inuu talooyin siinayo dowladda ayuu ku jawaabay. “Talooyinka sidaad ogtahay lama mariyo idaacadda, waxayna ku xiran tahay hadba baahida jirta iyo baahidu noocay tahay, waana muhiim in qofka laga helo macluumaad ku saabsan waxa la doonayo in talooyinka laga bixiyo. Balantii aan qaaday waa ku taaganahay xilli walba diyaar ayaana u ahay, balse ma doonayo inaan culeys ku noqdo dowladda, waxaana rabaa in aan fursad siiyo; maxaa yeelay dowladda waxay u timid is-bedel, waana in ay hesho fursad.”

Isagoo siyaadadda kasii hadlaya ayuu yiri. “Sida aan siyaasadda uga baxay idaacad ma dhageysto, jaraa’id ma aqriyo, website ma galo, marka waxaa laga yaabaa dadka hadlaya inaan maqlo, xog-ogaalna ma ihi, balse mar hadaan xog-ogaal ahayn inaan ka hadlo siyaasadda ma doonayo.”

Sida uu u arko dilka hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Godane ayuu si kooban uga hadlay, isagoo yiri. “Waxaa aaminsanahay tallaabo muhiim ah inay ahayd, urur noocaan oo kale ah marka hoggaamiyihiisii la dilo waxaa ka imaanaya firaaq, waxayna ku xiran tahay hadba sida ay dowladda jirta uga faa’iideysato.”

Mar la weydiiyay su’aal ahayd muranka dhinaca badda ah ee Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya, maadaama ay soo billaabatay xilligii uu madaxweynaha ahaa ayuu ka gaabsaday inuu si toos ah uga jawaabo, isagoo sheegay in is-fahamka heshiiskii ay xilligaas galeen uu baarlamaanku diiday, ayna halkaas ku dhammaatay.

Dhanka kale, Sheekh Shariif ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay khilaafkii dowladda iyo maamulka Puntland soo dhexgalay, isagoo sheegay inuusan u ahayn diyaar inuu ku fogaado arrintan, isla markaana uusan xog ogaal u ahayn labada dhinac ee is haya.

“Siyaasadda waxay ku fiican tahay inaa u diyaar-garowdid, aniguna uma aanan diyaar-garoobin, kumana talo-gelin inaan arrimo noocaas oo kale ah ka hadlo. Siyaasada Soomaaliyana meel ay u socoto xog-ogaal uma ihi,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Gabagabadii, waxaa wax laga weydiiyay Sheekh Shariif doorashada inuu doorashada dhici doonta sannadka 2016-ka inuu ka qaybgalayo iyo in kale, isagoo sheegay inay ka horreyso inuu xog ogaal u noqdo siyaasadda Somalia, uuna markaas ka fikiri doono inuu isi sharraxo iyo in kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya