4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 22, 2014
Guddiga Adeegga Bulshada ee Baarlamaanka oo Maanta booqday Dhaawacyo


Arbaco, Oktoobar 22, 2014 (HOL) — Guddiga Adeegga Bulshada ee golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa booqday dhaawacyada ku jira isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, gaar ahaanna shacabka ku dhaawacmay qaraxyadii lala eegtay qaar ka mid ah maqaayadaha ku yaala Muqdisho.

Xubnaha guddigan ayaa waxay warbixin ku aaddan xaaladda dhaawacyada ka dhageysteen agaasimaha Isbitaalka Madiina, Dr Maxamed Yuusuf oo u sheegay in inta badan dhaawacyada ay ku dadaaleen dhakhaatiirta, isla markaana ay xaaladoodu wanaagsan tahay, iyadoo warbixinta kaddib ay guddigu u kuur-galeen oo ay mid-mid u booqdeen dhamman dhaawacyada.

Mudane Axmed Caabi Aadan oo ah guddoomiye ku xigeenka guddoomiyaha guddiga adeegga bulshada oo booqashada kaddib la hadlay saxaafadda ayaa tilmaamay in ujeeddada booqashada guddigooda ay tahay inay indhahooda ku arkaan xaaladda ay ku sugan yihiin dadka shacabka ah kaddibna ay u gudbiyaan baahida ay qabaan dhaawacyadii ay la kulmeen wasaaradaha qaabilsan si wax loogu qabto.

Sidoo kale, guddoomiyaha guddigan xildhibaan, Cusmaan Maxamuud Dufle oo isagana dhankiisa la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay inay dareen ahaan aad uga xun yihiin dhibaatada soo gaartay shacabka Soomaaliyeed, xanuunkana ay la wadaagayaan; waxaana uu dhinaca kale ballan-qaaday inaysan guddigu ka seexan doonin sidii wax loogu qaban lahaa dhaawacyada ay maanta booqdeen.

Booqashadan ayay mas’uuliyiinta guddiga adeegga bulshada baarlamaanku ay sheegeen inay qayb ka tahay waajibaadka uu golaha shacabka u igmaday guddiga adeegga bulshada inay si si dhab ah ula socdan xaaladaha shacabku lasoo gudboonaada, si baahiyahooda wax looga qabto.

Dhaawacyada ku jira isbitaalka Madiina ayaa waxaa ka mid ah laba wariye oo siyaabo kala duwan dhaawacyo loogu geystay, xilli ay ku sugnaayeen qaybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya