4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 22, 2014
Toban Hindise Sharciyeed oo Maanta loo gudbiyay Baarlamaanka Soomaaliya


Arbaco, Oktoobar 22, 2014 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa maanta loo qaybiayay xisaab xirka miisaaniyaddii ay dowladdu ku shaqeynaysay sannadkii hore ee 2013-ka, taasoo uu soo gudbiyay guddiga miisaamiyadda baarlamaanka Somalia, waxaana sidoo kale isla maanta baarlamaanka loo gudbiyay toban hindise sharciyeed.

Hindise-Sharciyeedyo loo gudbiyay baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ah:

1. Hindise Sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka
2. Hindise Sharciyeedka Liisamada Ganacsiga iyo Warshadaha
3. Hindise Sharciyeedka Magacyada iyo Sumadaha Ganacsiga
4. Dib u eegid Hindise Sharciyeedka Iibka Qaranka
5. Hindise Sharciyeedka dib u eegista sharcigii Jannaayo 1989-kii ee lagu dhisay hay’adda duulista rayidka iyo saadaasha hawada.
6. Heshiis ku saabsan xuquuqda Carruurta oo uu aqbalay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay 20-kii November 1989-kii.

Hindise Sharciyeedka ugu saameynta badan ayaa waxaa ka mid ah Hindise Sharciyeedyada la-dagaalanka argigixisada oo ka kooban 36 qodob, kaasoo la doonayo inay xildhibaannadu muhiimad gaar ah siiyaan.

Qaybinta Hindise Sharciyeedyadan kaddib waxa ay xubnaha baarlamaanku gudagaleen akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka; waxaana Hindise-Sharciyeedkaas ay xildhibaannadu su’aallo ka weydiiyeen Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka, Dr Nuur Jimcaale Faarax, iyadoo su’aalaha xildhibaannadu ay ku qotomeen sharciyada aas-aaska u ah Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka.

Dr Nuur Jimcaale ayaa markii uu uga jawaabay xildhibaannada su’aalaha ay weydiiyeen, isla markaana uu ka dhageystay tallooyinka ay qabaan wuxuu ka dalbaday inay meel mariyaan Hindise Sharciyeedkan, maadaama dalku ka mid yahay dalalka caalamka ee lagu tilmaamo inuu musuqmaasuq xoog lihi ka jiro.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa lagu wadaa su’aalaha ay sharcigan ka weydiinayaan Hanti dhowrka guud ee Qaranka ay sii wadi doonaan Sabtida soo socota; waxaana dhanka kale dib loo dhigay maanta u codeynta sharciga kalluumeysiga, kaddib markii loo waayay tirada xildhibaannada u codeyn lahaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya