4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 22, 2014
Dayactirka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso oo dhawaantan la billaabi doono

Arbaco, Oktoobar 22, 2014 (HOL) — Maamulka gobolka Bari, kan degmada, xubno wasiirro ah  iyo qaar kamid ah shacabka Boasso ayaa ka soo qayb-galay kulan looga hadlayay habka ay u wada shaqayn karaan shacabka gobolka iyo wasaaradda duulista hawada iyo garoomada Puntland.

Shirkan ayaa ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha ee Bandar-Qasim, waxaana dhawaan lagu wadaa in la bilaabo dhismaha iyo dayactirka garoonkaas oo ay qandaraaskiisa qaadatay shirkad  Shiinays ah.

“Garoonkan waa mid caalami ,waxa uu fursado shaqo u abuuri karaa dad fara badan  marka waa in aan ka qayb- qaadanaa sidii arintan aan uga wada shaqayn lahayn” ayuu yiri Xasan Siciid Xasan oo ah wasiirka garoomada.

“Sida aad la socotaan waxaa la soo dajiyay qalabkii loo isticmaali lahaa dhismaha garoonka diyaaradaha ,waxaanna ku raja weynahay in maalmaha soo socda howsha la bilaabo “ayuu hadalkiisa ku daray masuulkan.

Duqa degmada Bosaso Xasan Cabdalla oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in shacabka looga baahan-yahay in ay wada shaqayn dhow la yeeshaan maamulkiisa ,isaga oo xusay in garoonka dhismihiisa uu wax badan ka tari doono bilicda magaalada.

Ugu danbayntii maamulka degmada Bosaso ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay in la mataaneeyay magaalooyinka Bosaso iyo Miniapolis oo Maraykanka ah  ,isla markaana labada magaalo ay ilbaxnimo badan kala kororsan doonaan sida uu sheegay Duqa degmada.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]