4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 22, 2014
Al-shabaab oo Gobolka Shabeellada Hoose ku dilay wiil ay ku eedeeyeen Sino
Arbaco, Oktoobar 22, 2014 (HOL) — Wararka laga helayo gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in Ururka Al-shabaab xukun rajmin ah ku fuliyeen nin dhallinyaro ah oo lagu soo eedeeyey inuu gabar kufsaday.

Ninkaas oo magaciisa lagu sheegay Xasan Cali Axmed da'diisuna 18jir tahay, waxaa lagu soo eedeeyey in isagoo qori adeegsanaya uu meel miyi ah ku kufsaday gabar 28-jir ah oo lagu magacaabo Faadumo Xasan Maxamuud.

Qaadiga  maxkamadda xukunka ridey ayaa sheegay in Xasan Axmed qirtay dembiga lagu soo eedeeyey, sidaas darteed maxkamaddu ku xukuntay in dhagax lagu dilo maadaama uu gogol dhaaf sameeyey.

Qaadigu wuxuu intaas ku daray in gabadha dhibanaha ah loo xukumay meher lagu qiimeeyey waxa lagu meheriyo gabdhaha deegaanka kaasoo noqonaya qaalin lo' ah oo labo sano jir ah.

Ma ahan markii ugu horeysey ee Al-shabaab xukun caynkan ah ku fuliso qof lagu soo eedeeyey inuu gogol dhaaf sameeyey, haseyeeshee bishii September ee lasoo dhaafay ayaa degmada Baraawe lagu rajmiyey haweeney 33 jir ahayd oo lagu soo eedeeyey inay saddex nin isla guursatey.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqidho, Soomaaliya