4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 22, 2014
Afar Ruux oo la sheegay inay Qaraxyo Qorsheynayeen oo lagu qabtay Doolow
Arbaco, Oktoobar 22, 2014 (HOL) — Ciidamada Maamulka Jubaland ayaa gacanta ku dhigay dad lagu soo eedeeyey inay qorshaynayeen in falal ammaanka liddi ku ah ka geystaan degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Dadkaas oo ay tiradoodu afar qof tahay, waxaa xilligan su'aalo lagu weydiinayaa gudaha Doolow sida uu sheegay Wasiir ku-xigeenka Amniga iyo Arrimaha gudaha ee maamulka KMG ah ee Jubba Cabdirashiid Xasan Cabdinuur.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in raggaasi qorshaynayeen inay qarxiyaan buundo ku taalla Dolow iyo weliba xarun hay'ado ka tisran Qaramada Midoobay degmadaas ku leeyihiin.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in warbaahinta dib looga soo gudbin doono faah faahin dheeri ah, marka uu soo gaba gaboobo baaritaanka afartaas eedaysane lagu wado.

Arintan ayaa kusoo aadeysa xilli saqdii dhexe ee xalay dagaal khasaare nafeed oo badan dhaliyey ku dhex maray duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka kumeel gaarka ah ee Jubba ciidamada maamulkaas iyo kooxo ka tirsan Ururka Al-shabab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqidho, Soomaaliya