4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 22, 2014
Maamulka Jubba oo sheegay inay Caawinayaan Beeraleeyda Gobolka J/Hoose
Arbaco, 22 Oktoobar, 2014 (HOL) :- Wasiirka beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga maamulka Jubba Max’ed Aadan Jaamac oo wareeysi gaar ah siiyay shabakadda HOL ayaa sheegay in ay wadaan qorsheyaal lagu caawinayo dadka Kalluumeysatada iyo beeraleeyda ah ee ku dhaqan gobolka J/hoose.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulkooda oo garab ka helaya hay’ado caalami ah ay diyaariyeen doomo iyo qalab kale oo lagu jallaabto, Matooro iyo dawooyinka beeraha, kuwaasoo uu xusay in ay doonayaan in ay ku caawiyaan dadka kalluumeysatada iyo beeraleeyda ee ku dhaqan gobolka.

“Doomo, matoorro, iyo qalab kala duwan ayaan ugu talo galnay dadka beeraleeyda iyo kuwa kalluumeysatada ah ee ku dhaqan gobolka, waxaan dooneeynaa in uu dib usoo laabto wax soo saarkii uu gobolku lahaa,” ayuu wasiirku hadalkiisiii raaciyay.

Gobolka J/hoose ayaa caan ku ah dhanka wax soo saarka beeraha, iyadoo sidoo kale gobolkan uu leeyahay xeeb aad u dheer, taasoo ku wanaagsan kalluumeysiga, haseyeeshee aan looga shaqeeysan sidii loogu talo galay, maadaama dalka Soomaaliya uu mudo dheer ku jiray dhibaatooyinkii laga dhaxlay dagaallada sokeeye.

Wasiirka ayaa xusay in ay wadaan qorsheyaal suuq loogu sameeynayo wax soo saarka beeraha gobolka, si dadka beeraleeyda ah ay niyad ugu helaan in ay dhulka tabcaan.

“Qofka beeraleeyda ah, marka wixii uu soo saaray loogu iibgeeyo suuqyo caalami ah, wixii uu ka helo dib ayuu dhulka ugu celinayaa, wax soo saarkiisiina waa uu laba jibaarayaa, marka waxan wadnaa qorsheyaal suuqyo caalami ah loogu raadinayo wax soo saarka gobolka,” ayuu wasiirku hadalkiisii raaciyay.

Deegaanada waqooyi ee gobolka J/hoose ayaa waxaa mara webiga Jubba, waxaana ku yaal dhul beereedyo aad u ballaaran haseyeeshee uu aad u yaryahay wax soo saarkooda, maadaama dalagyada kala duwan ee kasoo go’a beerahaasi aysan heysan cid ka iibsata marka laga reebo isticmaalka gudaha oo isagu ah mid aad u yar.

.........
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.