4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 22, 2014
Ra'iisul wasaare C/weli oo Muqdisho kusoo laabtay kana hadlay cudurka Ebola


Arbaco, 22 Oktoobar, 2014 (HOL) :- Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib safar uu ku tagay dalka Brundi oo qeyb ka ah dalalka ay Soomaaliya ka joogana ciidamada.

Raysul wasaaraha ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, xildhibaanno iyo masuuliyin kale.

Raysul wasaaraha oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, isagoo sheegay in safar shaqo uu uga yimid dalka Brundi, halkaasoo uu xusay in uu kula kulmay madaxda dalkaasi.

Dr. C/weli ayaa sheegay in dowladda Brundi ay kala sixiixdeen heshiisyo wada shaqeyn oo qodobo badan ka kooban, islamarkaana safarkii uu ku tagay dalkaasi uu ugu soo dhamaaday guul.

Raysul wasaaraha ayaa mudadii uu joogan dalka Brundi wuxuu kulamo la qaatay madaxweeynaha dalkaasi Pierre Nkurunziza iyadoo ay ka wada hadleen sidii dib loogu soo celin lahaa wada shaqeyntii Soomaaliya iyo Brundi.

........
Max’ed Xaaji Xuseen
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.