4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 22, 2014
Dagaal xalay ka dhacay deegaanka Luglow oo gobolka Jubada hoose ka tirsan
Arbaco, 22 Oktoobar, 2014 (HOL) :- Ciidamada maamulka Jubba iyo xoogagga Al-shabaab ayuu xalay dagaal xooggan ku dhexmaray deegaanka Lugloow oo qiyaastii 17 km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Deegaanka Lugloow ayaa waxa uu saldhig u ahaa ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubba, waxaana xalay saqdii dhexe weerar culus halkaasi kusoo qaaday dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab, iyadoo labada dhinac uu halkaasi ku dhexmaray dagaal xooggan oo laisku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkaasi ay xoogagga Al-shabaab ku gaarsiiyeen qasaaro xooggan, ayna gacanta ku hayaan dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo uu xusay in ay ku qabteen dagaalkii xalay.

"Shan ayaa uga dhimatay dagaalkii xalay, dhaawac badanna way qaateen, waxaan gacanta ku heeynaa 11 askari oo aan ku qabannay dagaalkii xalay," ayuu yiri afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar oo warbaahinta la hadlay,isagoo sheegay in dhankooda uusan jirin wax khasaaro ah oo kasoo gaaray dagaalkii xalay.

Dhanka Al-shabaab ilaa imika kama hadlin weerarkii xalay iyo weliba khasaarooyinka ka dhashay.

Ciidamada maamulka Jubba oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa dhawaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka bilaabay deegaanada waqooyi ee gobolka J/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.