4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 21, 2014
Cabdiweli Gaas oo ka Warbixiyay Shirka Maal-gashiga ee ka Soconaya London

Talaado, Oktoobar 21, 2014 (HOL) — Madaxweyneha Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas oo London kaga qayb-galaya shirka maal-gashiga Afrika ayaa sheegay in diiradda lagu saaray sidii qaaraddan ay u heli lahayd fursado wax soo saar iyo mid maal-gashi sanadaha soo socda.

“Runtii qaaradda Afrika waa mid aad u dihin ,waxaana shirkan wadamada Afrika ay ku soo bandhigayaan fursadaha jira maadaama uu maalgashiga ku yaryahay “ayuu yiri madaxweyne Gaas oo waraysi siiyay idaacadda VOA-da.

“Waxyaabihii kale ee looga hadlay waxaa kamid ah in dhul-beereedka adduunka  ee in la falo u baahan uu 60% ku yaallo Afrika ,marka adduunka waxa aad moodda in meelihii kale ay suuqyadoodi isa soo xireen si gaar ah ayaana Afrika hadda loogu dagaalamayaa kheyraadkeeda “ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Puntland kaliya uusan uga qayb-galayn shirkaas ,isla markaana ay goobta ka xusayaan khayraadka Somaliya ku jira oo dhan ,maadaama Punltand ay tahay xubin kamid ah dowladda Federaalka ah.

“Puntland ahaan barnaamijka-yagu waxa uu yahay in aan fududeynno wixii maalgashi ah marka waan soo dhaweynaynaa shirkadaha gaarka loo leeyahay iy kuwa kaleba in ay halkan maalgashi ku samaystaan “ayuu mar kale xusay madaxweyne Cabdiwali Gaas.

Ugu danbayntii shirka maalgashiga Afrika ayaa maanta lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo ,isla markaana laga soo saaro qodobo la xiriira fursadaha maalgashi ee xiligan ka jira Qaaradda Afrika oo ay colaado sokeeye daahshadeen.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]