4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 21, 2014
Guddoomiyaha baarlamanka oo digniin u diray qaar ka mid ah xlidhibaannada

Talaado, Oktoobar 21, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa digniin u diray xildhibaannada ugu jira baarlamaanka Somalia baarlamaanka calaamka inay warbixinnada shirarka ay ka qaybgalayaan u soo gudbiyaan golaha, haddii kale uu bedeli doono.

Xildhibaannada uu digniinta u diray ayuu ku dhaliilay inay inaysan wax war ah siin baarlamaanka, socdaalladoodana ay iska noqdeen kuwo u muuqda in ay dalxiis yihiin, balse ay iyagu ka doonayaan inay shaqo soo qabtaan.

“Digniin kama danbeyn ah ayaan u jeedinayaa xildhibaannada baarlamaanka ku matala baarlmaaannada calaamka, waxaana leeyahay warbixinnadiina u soo gudbiya xildhibaanada kale si ay ula socdaan halka ay wax marayaan, haddii kale waxaa imaanaysa in laga bedelo howsha loo igmaday,” ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale, Jawaari ayaa sheegay in xildhibaan walba oo baarlamanka ugu jira baarlamaan-nada caalamka uu warbixin keeni waayo, taasi macnaheedu in uu noqonayo inaysan wax natiijo ah u hayn baarlamaanka ayna booskaas ku bedelan doonaan mudane kale oo howshaas kasoo bixi kara.

Afhayeenka baarlamaanka Somalia ayaa dhanka kale sheegay in gabi ahaan safarradii tababarka ahaa ee loo bixi jiray la joojiyay, laguna beegi doono oo keliya xilliyada uu baarlamaanku fasaxa leeyahay, si howlaha baarlamaanka u yaalla loo dar-dar-geliyo.

“Waxaa la joojiyay safarradii dibadda loo aadi jiray ee siminnaarrad ahaa, waana in taas loo sheego hay’adaha arrimahan la ordaya, waayo ma ahan in ay waqtigeenna laga lumiyaan. Wixii tababar ah ee gudaha lagu sameynayo waa la ogol yahay, waayo waxaan doonaynaa in howsha noo taalla aan sida ugu dhaqiyo badan ku meel-marinno,” ayuu hadalkiisa ku daray Jawaari.

Hadalka guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ksoo beegmaya xilli xubno ka mid ah baar-lamaanka Soomaaliya ay dibadaha dalka ku maqan yihiin, si ay uga qaybgalaan tababarro iyo shirar ay leeyihiin baarlamaannada ay ka mid yihiin.

Dingiintan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu Prof. Jawaari u jeediyay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee ku jira, sidoo klena uu joojiyay gabi ahaan safarradii ay xildhibaannadu dibadda dalka u aadi jireen, iyadoo ay dowladdu sheegtay in sannadka 2016-ka ay dalka doorasho ka dhici doonto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya