4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 20, 2014
Khamri lagu Burburiyay Muqdisho iyo Xeer Ilaaliyaha oo ka digay (SAWIRRO)


Isniin, Oktoobar 20, 2014 (HOL) — Waxaa barxadda dugsiga tababarka ciidanka booliiska Soomaalya maanta lagu burburiyay konteenarro khamri ah; kuwaasoo ay dekedda weyn ee Muqdisho ay ku qabteen hoggaanka ilaalinta canshuuraha oo kaashanaya ciidanka booliiska ee dekedda ka howlgala.

Saraakiil booliis, waaxda ilaalinta canshuuraha iyo Xeer-Ilaaliayah Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa goob-joog ka ahaa madashii lagu burburiyay dhawr konteenar oo khamri ah; kuwaasoo la doonaayay in si sharci-darro ah loosoo geliyo Muqdisho.

“Maanta sidaad aragtaan meeshan waxaa yaalla khamri aan la qiyaasi karin tiradiisa. Waxaa mahad iska leh Alle, intaa kaddibna hoggaanka ilaalinta canshuuraha, saldhigga booliiska dekedda iyo dhammaan mas’uuliyiintii ka geystay gacanta sidii lagu qaban lahaa qamrigan; isla markaasna muddo intaa le’eg ku ilaalinaysay inuusan waddan soo gelin, shacabkana u gudbin,” ayuu goobta ka sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha Qaranka ayaa intaas ku daray. “Dhibaato badan ayuu khamrigu u geystaa bulshada. Diinteennuna waxay qabtaan inuu yahay hooyada xumaanta. Runtii dadka ku talo-galay maanta in waxaas oo khamri ah ay dalkeenna soo geliyaan oo ay ganacsi ka dhigaan, sharciga Islaamka iyo kan dalka oo isaga laftiisu waafaqsan shareecada Islaamka ayay si cad ugu xad-gudbeen.

Dr. Axmed Cali Daahir wuxuu ballan-qaaday in xafiiska Xeer-ilaalinta guud ee dalka uu gudan doono waajibka ka saaran ilaalinta dhaqanka, diinta iyo akhlaaqda ummadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

“Waxaan Alle hortiis iyo ummadda hortooda ka ballan-qaadaynaa wax kasta oo dhaqankooda, diintooda iyo akhlaaqdooda burburinaya inaan sidan oo kale uga qayb-qaadannay aan uga qayb-qaadan doonno Insha Allaah,” ayuu hadalkiisa ku daray xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Ugu dambeyn, wuxuu digniin culus u diray ganacsatada faraha kula jirta ka ganacsiga khamriga iyo wixii la mid ah, kuwa la sheegay inay si qarsoodi ah ugu ganacsadaan gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho iyo xarunta Xalane; wuxuuna carrabka ku adkeeyay sida waajibka ka saaran ilaalinta sharafka ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan u digayaa qof kasta oo Soomaali ama ajnabi ah oo isku daya inuu akhlaaqda iyo diinta mujtamaceenna fasahaadiyo, dhaqankoodana burburiyo inaan gacan adag u qaban doonno. Dadkii keenay khamrigan baaritaan baan ku wadnaa. Waxana kaloo akhbaarta ku haynaa inay jiraan dhawr dukaan oo ku dhex-yaalla garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho oo khamri lagu iibiyo, digiin ayaana u diraynaa kuwaas. Mamnuuc buu dalkeenna ka yahay khamriga, mana ogolaan doonno in la keeno khamri, waxaana ka qaadaynaa tallaabo sharciga waafaqsan cid walba oo lagu helo dambigan,” ayuu xeer-ilaaliyuhu mar kale ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Illaa hadda lama oga cidda sida rasmiga ah ee khamrigan u keentay dalka, balse waxaa gacanta lagu hayaa oo hadda xiran dhawr qof oo is-hortaag ku sameeyay qabashadiisa, kuwaasoo doonayay inay fududeeyaan inay gudaha u geliyaan Muqdisho. Waxaa kaloo jira in la helay xogta shirkadihii keenay iyo kuwii soo diray konteenarradan; waxayse booliiska iyo xeer-ilaalintaba ku sheegeen inuu socdo baaritaan dheer oo maxkamad lagu hor-keenaayo dadkii arrintan ka dambeeyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya