4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 20, 2014
Wasaaradda Amniga Qaranka oo u digtay Ganacsatada Magaalada Muqdisho

Isniin, Oktoobar 20, 2014 (HOL) — Wasaarada Amniga Qaranka ayaa uga digtay dadka xarumaha ganacsi ku leh waddada muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama, iyadoo ugu baaqday inay ka taxadaraan gaadiidka laga soo buuxiyo waxyaabaha qarxa ee la dhigo agagaarka xarumahooda.

Afhayeenka wasaarada, Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya wax laga weydiin doono milkiilaha xarunta ganacsiga haddii uu gaari ku hor-qarxo. Wuxuuna ugu baaqay dadka ganacsatada ah inay iska ilaaliyaan gaadiidka lasoo miineeyo ee la dhigo agagaarka xarumahooda ganacsiga.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu ka codsaday ganacsatada waddada Maka Al-Mukarama inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka dalka, ayna kusoo war-geliyaan marka ay arkaan gaari ay ka shakiyeen.

“Ganacsatada xarumaha ganacsi ku leh jidka Maka Al-Mukarama waxaan ka codsanaynaa inay ogaadaan gaariga hortooda lasoo dhigayo, waxaana leeyahay gaarigii hortaada lasoo dhigo oo qarxa adiga ayaa wax lagaa weydiin doonaa. Gaarigii aad ka shakisaan ku wargeliya hay’adaha amniga si wax looga qabto inta uusan qarxin,” ayuu yiri Yuusuf.

Wasaaradda Amniga ayaa hadalkeedan kusoo beegmay iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay ay laba gaari ku qarxeen maqaayado ku yaalla Muqdisho, taas oo sababatay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo maqaayahadan ku sugnaa iyo kuwo ka ag-dhawaa, waxaana mas’uuliyadda qaraxyada sheegatay Al-shabaab.

Axaddii shalay ayay ahayd markii ciidamada amnigu ay gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo la dhigay agagaarka waddada Tarabuunka, halkaasoo ay ku nool yihiin dad badan oo barakacayaal ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya