4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 19, 2014
Danjire Maman S. Sadikou oo ka hadlay Rabshadihii ka dhacay Gobolka Hiiraan


Axad, Oktoobar 19, 2014 (HOL) — Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, danjire Maman Sidikou ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay rabshadaha ka dhacay gobolka Hiiraan, gaar ahaan is-hortaag lagu sameeyay kolonyo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo howlo ku jiray.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska danjire Sidikou ayaa lagu sheegay in deegaanka Ceel-gaal oo qiyaastii 10-km dhanka waqooyi kaga xiga degmada Beladweyne in dad careysan ay dibadbaxyo rabshado wata ka sameeyeen, iyagoo hor-joogsaday kolonyo gaadiidka AMISOM ah, taasoo sababtay inay ciidmadu rasaas furaan, isagoo shegay in rasaastaas ay ahayd mid ay isku difaacayeen, ayna jiraan dad rasaastaasi wax ku noqday.

“Waxaan aad uga murageysanahay rabshadaha ka dhacay gobolka Hiiraan, waxaan rajeynayaa in xaaladdu ay degto, waxaan doonaynaa inaan u caddeeyo bulshada gobolka Hiiraan iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed in AMISOM aysan marnaba taageero siinayn mid ka mid ah qabaa’illada Soomaaliyeed, taasina ma ahan howlgalkeenna ee waxaan halkan u joogto waa taageero aan siineyno dowladda Soomaaliya si loo helo nabadgelyo,” ayuu yiri danjire Maman Sidikou.

Danjiraha ayaa tilmaamay inay aad uga xun yihiin falkaas ka dhacay gobolka Hiiraan, waxaana uu ku booriyay dadka gobolkaas ku nool inay taageeraan ciidamada AMISOM, isagoo ka codsaday in dowladdu ay xaliso rabshadaha ka aloosan deegaanka Deefoow, isla markaana aan loo arkin in AMISOM ay qayb ka tahay hurinta rabshadahaas.

Hadalka ergayga ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay dagaallo beeleedyo soo laalaabtay ka dhaceen deegaanka Deefoow oo 40-km u jira Baladweyne, iyadoo colaadihii ka dhacay deegaankaas ay ku dhinteen shacab fara badan.

Dhanka kale, hadalka danjire Maman Sadikou ayaa imaanaya iyadoo maanta ay dibad-baxyo looga soo horjeedo ciidamada Jabuuti ee AMISOM qaybta ka ah ay ka dhaceen magaalada Baladweyne, iyadoo shacabku ay dalbadeen in ay ciidamadaas isaga baxaan gobolka Hiiraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya