4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 19, 2014
Tartamo Kubadda Cagta ah oo ka Billowday Magaalada Kismaayo (SAWIRRO)


Axad, 19 Oktoobar, 2014 (HOL) :- Ayadoo mudooyinkii ugu danbeeyay horumar baaxad leh laga dareemayay isboortiga gobolka J/hoose islamarkaana dhalinyaradu ay ku mashquulsanaayeen cayaaraha kubadda cagta oo aad moodo in mudooyinkan danbe si weyn looga xiiseeynayo degmada Kismaayo iyo qeybo kamid ah gobolka J/hoose, ayuu gudiga isboortiga gobolku sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan tartamada kubadda cagta ee degmooyinka gobolka.

Dhawaan waxaa magaalada Kismayo soo gaaray cayaartooyda xulka degmada Afmadow ee gobolka J/hoose, waxayna cayaar saaxiibtinimo la dheeleen xulka degmada Kismaayo, iyadoo cayaartaasi ay ahayd mid aad u kulul islamarkaana ay garoonka soo buuxdhaafiyeen kumannaan taageerayaal ah oo u kala safnaa labada degmo ee ay cayaartu dhexmareeysay.

Cayaartaas oo ahayd mid dadkii daawanayay ay aad u xiiseeynayeen habka ay labada kooxood usoo bandhigeen cayaar wanaagga, ayaa waxa ay kusoo dhamaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday xulka degmada Kismaayo.

Gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee gobolka J/hoose ahna wakiilka Olombikada Soomaaliyeed ee Zone 4, Burhaan Max’uud Xasan Kukuuyu oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in cayaarahani ay horudhac u yihiin Koob ay qorsheeynayaan in ay u qabtaan degmooyinka gobolka J/hoose.

“Hadda waxaa noo yimid xulka degmada Afmadow, waxaa maanta ama beri nasoo gaari doona xulka degmada Badhaadhe, degmooyinka kale ee gobolkana way nagu soo wajahanyihiin, waxaan u qaban doonnaa tartan kubadda cagta ah,” ayuu gudoomiyaha hadalkiisii raaciyay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in aysan jirin cid ka caawisay dhanka dhaqaalaha ayna iskood isu xilqaameen, waxa uuna ka codsaday dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha taageera Isboortiga in ay gacan ka siiyaan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen rajadii dhalinyarada ee dhanka cayaaraha.

“Cayaaraha waxay keenaan isdhexgalka bulshada, waxay ka hortagaan qabyaaladda, isnacaybka iyo weliba in dhalinyaradu ku mashquusho waxyaalo dhib ku ah dalka iyo dadka,” ayuu gudoomiyaha hadalkiisii raaciyay.

Garoonka kubadda cagta Waamo ee magaalada Kismaayo ayaa dhawaan la dayactiray, iyadoo dayactirkiisu ay iska kaashadeen dowladda Ingiriiska, maamulka Jubba iyo weliba xiriirka kubadda cagta ee gobolka J/hoose.

“Garoonka dayactir ayaa naloogu sameeyay way mahadsanyihiin cid walba oo gacan ka geeysatay, hadda garoonku wuxuu lamid yahay garoomada waaweyn, waxaase weli naga dhiman cawskii, waxaan codsaneeynaa in nalaga caawiyo sidii aan ku heli lahayn,” sidaa waxaa yiri gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee gobolka J/hoose.

Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa siweyn usoo dhaweeyay tartamada kubadda cagta ee dhexmaraya degmooyinka gobolka J/hoose ee ka biloowday magaalada Kismaayo, ayadoo marka ay dhacayaan cayaaraha ay garoonka soo buuxdhaafiyaan kumannaan qof oo xiiseeyneeysa daawashada cayaaraha.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.