4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 18, 2014
Madaxweyne Xasan oo Muqdisho kula kulmay Ergayga Midowga Afrika ee Somalia (SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 18, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Somalia, danjire Maman danjire Maman S. Sidikou.

Xasan Sheekh iyo danjire Maman Sidikou ayaa kawada hadlay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka iyo dar-dar-gelinta dagaallada lagula jiro Al-shabaab, waxaana kulanka labada mas’uul goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. C/raxmaan Ducaale Bayle.

Danjire Sadikou iyo C/raxmaan Bayle kulanka kaddib warbaahinta si wadajir ah ula hadlay ayaa ka warbixiyay qodobada ugu muhiimsanaa ee kulanka looga hadlay, iyadoo wasiirka arrimaha dibaddu uu sheegay in dhammaan qodobbadii looga hadlay kulanka la isku af-gartay.

“Waxaan halkan nala jooga danjiraha Midowga Afrika ee Somalia, kaasoo ka bedeli doona xilka danjirihii hore, Maxamed Saalax Anaadiif; waxaana isaga iyo madaxweynuhu ay kawada hadleen amniga, howlgallada socda iyo sidii loo amba-qaadi lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab oo gobollo kala duwan oo dalka ah ka socda,” ayuu yiri danjire Bayle.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay inay soo dhaweynayso dowladdu inuu shaqada si rasmi ah ula wareego danjiraha cusub, isagoo intaas ku daray in dowladdu ay rajeynayso inay ku tallaabsato horumarro badan inta howlgalladu ay socdaan.

Dhanka kale, danjire Maman Sidikou oo isna warbaahinta la hadlay ayaa ka dhawaajiyay inuu aad ugu faraxsan yahay kulanka uu madaxweynaha Somalia kula yeeshay Muqdisho, maadaama uu maanta billaabay howshii loo magacaabay, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka muuqdaan horumarro dhowr ah oo ay ku tallaabsatay.

“Somalia oo xasillooni waxay ka dhigan tahay in Afrika oo dhan oo nabadi ay ka dhalatay, waxaana diyaar u nahay inaan xoojinno taageerada Somalia aan siinno. Waxaana ammaan u jeedinayaa dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo hadda socda, si ay u hantaan guud ahaan ammaanka dalka,” ayuu yiri danjire Sidikou.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya