4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 17, 2014
Guddi Baaritaan ku Sameynaya Kufsigii ay Geysatay AMISOM oo la Sameeyay


Jimco, Oktoobar 17, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa maanta la horgeeyay guddi baaritaan ku sameyn doona eedihii HRW ee ku saabsanayd kufsi ay askar ka tirsan AMISOM ay si khasab ah ku kufsadeen haween Soomaaliyeed oo xeryahooda u doortay dawo iyo raashin. 

Warbixin ay bishii hore soo saartay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayna cinwaan uga dhigtay ‘Awood ayay noo adeegsadeen’ oo hay’addu ay ku sheegtay in askar ka tirsan ciidammada ka socda dalalka Uganda iyo Burundi inay si khasab ah kufsi ugu geysteen qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed.

Kooxdan baarista sameynaya ayaa afar qof ka kooban, waxayna kasoo kala jeedaan dalalka Gaana, Tanzania iyo Zimbabwe, iyadoo warbixinta AU-da ay xustay inay leeyihiin tababaro iyo khibrado baaritaan oo heer caalami ah, ayna ku kalsoon yihiin inay warbixin eedahan ka keeni doonaan warbixinno lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale, kooxda ayaa la xusay inay dhawaan baaritaankan billaabayaan, iyagoo si gaar ah u beegsan doona ciidamada Uganda iyo Burundi oo ay ka tirsan yihiin askartii la sheegay inay kufsadeen haweenka Soomaaliyeed iyo xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka ah ee AMISOM oo laga doonayo inay ka sheegaan xaqiiqada eedeymaha la galay si loo ogaado inay run yihiin iyo in kale. Waxaana haddii ay run noqdaan la baari doonaa xilliga ay dhaceen, halka ay ka dhaceen, cidda gacanta ka geysatay iyo sababaha kallifay in laga horjoogsan waayo.

Dlamini-Zuma ayaa xubnaha guddigan kula dardaarantay inay baaristoodani noqoto mid madax-bannaan, xirfad iyo hufnaanna ku dhisan. Waxay kaloo kula dar-daarantay in howshoodu ay noqoto mid wax-tar u leh baahida dadkii dhibaatada loo geystay iyo markhaatiyaasha ay la kulmi doonaan, si ay u ogaadaan xaqiiqada eedeymahan la sheegay.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa ka dalbatay dhammaan inta ay khuseyso arrintan inay gacan ku siiyaan guddiga baaritaankooda, isla markaana loo fududeeyo goobaha ay guddigu ka heli karaan xaqiiqada iyo in dhaqan lagu saleeyo baarista guddiga.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan caddeeyo in Midowga Afrika ay ka go’an tahay in la xoojiyo dadaallada iyo wax ka qabashada kuwa dhibaatooyinka iyo xad-guduyada kufsiga ah ku kaca, taasoo dhibaato weyn ku ah dhibbanayaasha, kuwii ka badbaaday iyo qoysaskoodaba,” ayay tiri Dlamini-Zuma.

Dhanka kale, guddoomiyuhu waxay xustay in guddiga ay ku jiraan haween aqoon iyo dhaqan-haween leh, sidoo kalena leh khibrad gaar ah oo ay kula hadli karaan haweeneyda kufsiga loo geystay, iyagoo ilaalinaya sharciga iyo dhaqanka haweenka Soomaaliyeed, si loo ogaado askartii dhibaatadan kula kacay haweenka; ciidamada AMISOM-na ay uga digtoonaadaan inay falalka noocaas oo kale ah ku kacaan.

Warbixinta Midowga Afrika ayaa lagu xusay in guddigan laga doonayo inay kusoo dhameystiraan baaritaankoodan 30 November, 2014, markaasoo ay warbixintood u gudbin doonaan guddoomiyaha Midowga Afirka, natiijooyinka kasoo baxana la ogeysiin doono shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la ilaalinayo sharafta haweenka dhibbanaayasha ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya