4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 17, 2014
Madaxweynaha Somalia oo soo dhaweeyay heshiiskii lagu Saxiixay Garoowe

Jimco, Oktoobar 17, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa soo dhaweeyay saxiixa heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland ku dhexmaray magaalada Garoowe, kaasoo dhigayay in dib loosoo celiyo xiriirka labada dhinac iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo hirgelinta nidaamka federaalka dalka.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Somalia ayuu ku sheegay madaxweynuhu inuu u mahadcelinayo cid walba oo gacan ka geysatay sidii heshiiskaas lagu kala saxiixan lahaa.

“Dalkani wuxuu soo maray sannado badan oo dhibaato ah, wadahadal dhex-mara Soomaalida ayaa ah waddada loogu socon karo horumarka dalka, taas oo xaqiijinaysa Soomaaliya oo nabad ah isla markaana nabad ah oo degan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu qoraalkiisa ku yiri. “Waxaan aqoonsannahay guusha ay Puntland gaartay 16-kii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo dhistay hay’ado leh awood. Puntland wax badan ayay ka geysan kartaa dhisidda Soomaaliya oo awood leh, dimuquraadi ah, isla markaana mideysan.”

Warbixintan ayaa lagu sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay horumar weyn laga sameeyay siyaasadda Soomaaliya, laakiin loo baahan yahay in wax badan la qabto.

“Barnaamijka Higsiga Sannadka 2016-ka waxaa qayb ka ah arrimo badan oo wax ka bedeli doono siyaasadda dalka, toddobaadyada soo socda waxaan rajeynayaa in horumar laga sameyn doono qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin sameynta guddiga xuduudaha iyo federaalka iyo kan doorashooyinka,” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri. “Waan inaanu taageero hirgelinta iyo dhismaha u ogolaanaya dowladda federaalka ah inay sii wado sameyta maamullo KMG ah, iyadoo loo marayo wadahadal, inta ay socoota sameynta maamullada oo federaal noqon doona. Waxaan rajeynayaa in la dar-dar-galin doono hawsha dib loogu eegayo hirgalinta dastuurkeenna federaalka ah, maadaama 2016-ka aan isku diyaarinayno doorashooyin loo dhan yahay.”

Ugu dambeyn, madaxweynaha Somalia ayaa hadalkiisa kusoo gunaanaday inay horay u qaadday dowladdu talaabo wanaagsan, isla markaanka wuxuu codsaday in gacmaha la is-qabsado si loo dhiso mustaqbal wanaagsan oo uu dalkan yeesho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya