4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 16, 2014
Jaamacadda Banaadir oo soo Kordhisay Taqasuska Maamulka iyo Dhaqaalaha


Khamiis, Oktoobar 16, 2014 (HOL) — Waxaa Muqdisho lagu qabtay xaflad lagu furayey taqasus cusub oo la xiriira maamulka iyo dhaqaalaha oo lagu kordhiyey maadooyinka dugsiga taqasusiga ah ee Jaamacadda Banaadir.

Hormuudka kuliyadda dhaqaalaha iyo maamulka ee Jaamacadda Banaadir Prof. Cabdi Jaamac Geeddi oo ka hadlay munaasabadda ayaa faahfaahin ka bixiyey taqasuska cusub ee lagu kordhiyey dugsiga taqasuska, isagoo xusay in muddo dheer ay qaadatay diyaarinta taqasuskan ugu dambeyna lagu guuleystay, isagoo ku dheeraaday qaabka ardaydu uga faaiideysan doonaan.

“Taqasuskan cusub ee maamulka iyo maareynta ayaa leh Bachelor oo horey u socday iyo master hadda bilaabanaya waxaa ka qeyb geli kara dadka mihnadaha kala duwan leh, waxaana la kaashaneynaa Jaamacada Makerere iyo hay’adaha maamulka iyo dhaqaalaha ee dalka ka jira,” ayuu yiri Prof. Geeddi.

Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa ka waramay taqasusyada la soo kordhiyey iyo muhiimada ay ardayda iyo dadka Soomaaliyeed u leeyihiin. “Munaasabaddan oo dhowr arrimood kulansatay ayaa midda hore waxay tahay inaan sheegno in la furay kuliyadda dhaqaalaha iyo maamulka ee Jaamacadda Banaadir ee FIMA loosoo gaabiyo, taasoo masterkeedu uu hadda billaabanayo, waxaana la kaashaneynaa Jaamacada Makerere ee Ugandha oo ka mid ah kuwa ugu horreeya Afrika.”

Dr. Dalmar ayaa sheegay in kuliyadda dhaqaalaha iyo maamulka qaab caalami ah loo sameeyay oo ka duwan kuliyadaha kale ee Jaamacadda, isagoo xusay in kuliyaddan abuurideeda ay ka dambeysay markii ay ogaadeen baahida loo qabo, wuxuuna dhinaca kale ballan-qaaday inay xoojin doonaan Jaamacadda Ummadda ee dhawaan howlgashay taasoo uu sheegay inay kasoo aflaxeen asaasayaasha Jaamacadda Banaadir.

Waxaa sidoo kaloo hadlay guddoomiyaha Jaamacada Ummadda oo dhawaan dowladdu howlgelisay, Dr. Maxamed Axmed Jimcaale oo sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ay ku talaabsatay Jaamacada Banaadir, isagoo ardayda Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka faa’iideystaan taqasusyada ay soo kordhisay oo u ku tilmaamay kuwo faa’iido badan leh.

Prof. Cismaan Xaaji Maxamuud (Dufle) oo ayaa isna sheegay in hadafkii iyo ujeedadii laga lahaa asaaska Jaamacada Banaadir lagu guuleysay, wuxuuna u hambalyeeyay ardayda cusub ee isku diiwaan-gelisay taqasuskan cusub.

Agaasimaha Rugta Ganacsiga, Cabdi Abshir oo isaguna xafladda ka hadlay ayaa sheegay in ganacsiga Soomaaliya uu xoogeystay sannadahan dambe, balse horumarkaas uusan sii jiri karin haddii aan la helin aqoonyahanno ka talo-bixiya kobcintiisa, waana taas ayuu yiri sababta keentay xiriirka joogtada ah ee ka dhexeeya rugta ganacsiga iyo Jaamacada Banaadir.

Munaasabadan ayaa waxaa intii ay socotay warbixinno ka jeediyay qaar ka mid ah hormuudyada taqasusyada ay bixiso Jaamacada Banaadir oo uu ka mid ahaa hormuudka culuunta kambiyuutarka, Eng. C/qaadir Xasan Axmed, iyagoo tasaafiil ka bixiyey muhiimada ay leeyihiin taqasusyada laga bixiyo Jaamacada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya