4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 30, 2014
Jaaliyada Columbus oo 150,000 oo doollar ugu deeqay Jaamacada Galguduud


Axad, November 30, 2014 (HOL) — Xafladdan dhaqaalaha loogu ururinayay Jaamacadda Galguduud ee ka dhisan magaalada Cabudwaaq ee gobolka Galguduud ayaa waxaa ka soo qayb-galay aqoonyahanno, culummaa'uddiin, ganacsato iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Jaaliyadda gobolka Ohio.

Xafladda oo ahayd mid si weyn loosoo agaasimay ayaa waxaa ka hadlay Aqoonyahano,iyo culumaa’uddiin ku dheeraaday ahmiyada ay waxbarashadu iyo aqoontubu u leeyihiin Nolosha Aadanaha ayagoo carabkana ku adkeeyay taageerida Jaamacada G/guduud.

Boqolaal jaaliyada reer Columbus ah oo soo buux dhaafiyay goobta dhaqaalo aruurinta ayaa u riyaaqay talaabada lagu doonayo in lagu dhiso dhisme ay leedahay Jaamacada Galgaduud University oo dhismaheeda lagu sheegay in uu ku kacayo  aduun dhan Hal Milyan  ($  1000,000) oo doolarka Maraykanka ah, lakin Howl wadeena qorshaha dhismaha Jaamacada ayaa xusay in wajiga hore ama dhismaha ugu horeeya uu ku kici doono dhaqaalo lacageed oo dhan, ($ 750,000) oo dolar.

Arrintan markii ay soo bandhigeen waxay si weyn u taabatay jaaliyada Ohio oo aad ugu istaagay isla markaana soo bandhigay Taageeradoodii ugu xooganayd oo ay jaamacada la garab istaagaan waxayna isla goobta ku balan qaadeen bixinta lacag dhan Boqol iyo Konton Kun iyo Todobo boqol ($  150,700) , iyaga oo balan qaaday in ay sii wadi doonaan bixinta  dhaqaale kale marka looga bahdo.

Xafladda oo ay ka hadleen Masuuliyiin ay ka midyihiin Wasiirkii hore ee waxbarashada Dr. Abdinur Sheikh Mohamed, Taliyihii Ciidanka Xooga dalka, Gen. C/qadir Sheikh Ali Diini, Safiirkii hore ee somalia ee dalka Maraykanka, Amb. Abdirkarim Omar, Abwaanka caankaa ee Kabiirka Kooxda Qaylo dhaan

Abdi Shire Jama Ciyaarjecel, oo xafladan darteed uga yimid xarunta Somalia ee Muqdisho iyo masuuliyiin kale ayaa hadalo dhiirogalin iyo taageero isugu jiray ka jeediyay xaflada, iyaga oo uga mahadceliyay dadaalka isku dayeed ee jaamacad dhidibada loogu taagay.

Xafladan waxaa lagu soo bandhigay Sheekooyin, Gabayo, Riwaayado, Ciyaaraha  Hidaha iyo dhaqanka, halka dad dhawaan ka soo laabatay Soomaaliya gaar ahaan  C/waaq ay ka sheekeeyeen nolosha iyo isbadalka adeegyada Bulshada ee deegaanka.

Jamacadda Galgaduud University oo hada howlgasha  waxa ay ardada oo dhan 208  ay ku dhigtaan Dhismayaal Kiro ah, iyada oo dadka magaalada C/waaq ay balan qaadeen in kaalintoodana ay qaadan doonaan.

Deeqo Aadan Shire, OHIO
[email protected]