4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 30, 2014
Wasiirka maaliyadda Somaliland oo golaha horkeenay Miisaaniyaddii 2015-ka


Axad, November 30, 2014 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda Somaliland, C/casiis Maxamed Samaalle ayaa maanta golaha wakiilada hor-keenay miisaaniyada Qaranka ee sannadka soo socda 2015-ka, taasoo uu sheegay inay ka badan tahay tii sannadkii hore.

Sidoo kale, xildhibaanadda ayaa loo qaybiyay miisaaniyadda iyo qaabka loo isticmaalayo, taasoo ay soo akhrisan doonaan xildhibaanaddu ka dibna ay su’aalo ka waydiin doonnaan wasiirka maaliyadda.

“Waxaa jirta in saddexdii sano ee u dambeeyay ay miisaaniyaddu si xawli ah kor ugu sii kacaysay, iyadoo sanad kasta uu soo baxayay dakhli dheeraad ah, kaasoo miisaaniyadaha aanu idiin soo gudbinay ee 2014-ka iyo 2015-ka ka muuqda, waxaana halkan hoose ku cad jaantuska qaab ay miisaaniyaddu u kala sarreyso sannadka 2015-ta iyo 2014-ka; taasoo ah 283%. Sidoo kale waxaa miisaaniyada 2015 dheertahay misaaniyadda 2014 qadar dhan 18%”ayuu yidhi Samaale oo ka hadlayey miisaaniyadda sanadka soo socda.

Wasiirku waxa uu sheegay in aanay jirin cashuur ay qaadaan oo aan laga soo ansixin golaha wakiiladda, isla markaana aanay jirin cashuur ay kordhiyeen balse ay wax ka dhimeen cashuurihii la qaadi jiray.

Wasiir Samaale ayaa sheegay in miisaaniyadda sanadkan ay noqonayso laba boqol iyo kow iyo konton milyan laba boqol iyo afar iyo konton kun iyo saddex iyo labaatan Dollar ($251,254,023), taas oo ka badan 18% miisaaniyaddi sanadkii hore.

Sidoo kale waxa uu xusay in shaqaalaha dawladdu ay ahayd wakhtigii xilka la wareegeen 8,515 qof,halka ay maanta tahay 16,089 qof.

Waxa kaloo uu wasiirku sheegay in sanadkan ay jiraan qalab laga dhaafay cashuurtii sida, dhamaan qalabka Beeraha iyo dawada lagu xanaaneeyo Beeraha ee Bacriminta  (Fertalizer)

*Dhamaan cagafyada lagu dhiso wadooyinka nooc kasta oo ay yihiin oo laga dhaafo cashuurta soo dejinta kastamada.

*Dhamaan Gaadiidka Ambalance yada caafimaadaka iyo dabdamisyada

*Qalabka wax lagu karsado sida Shooladaha naqaska iyo shooladaha dubaalada.

*Qalabka tamarta laga dhaliyo ee Cadceeda iyo dabaysha.

Dhanka kale, wuxuu ka warbixiyey mashruucyadda horumarineed eek u jirta miisaaniyadan iyo kuwii sanadkii hore ku jiray ee la qabtay.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirka ayaa mar labaad ku soo noqon doonna golaha si su’aalo looga waydiiyo miisaaniyadda, isla markaana wax ka bedel iyo kaabis ku sameyn doono qaabka loo isticmaali doonno miisaaniyadda ee ay soo ay wasaaraddu u soo qorsheysay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland