4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 30, 2014
Madaxweynaha Sudan oo ku Amray Ciidanka UNAMID inay ka baxaan dalkiisa


Axad, November 30, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Al-bashiir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Khartuum ayaa sheegay in ciidamada UNAMID ay culeys ku noqdeen nabadda Daafuur, isagoo ka dalbaday inay baxaan gobolkaas.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo xukuumadda Sudan ay goor hore ku bixisay amar in la xiro xafiisyada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay ku lahaayeen magaalada xarunta ah ee Khartuum.

Colaadda Daafuur ayaa billaabatay sannadkii 2003-kii kaddib markii ay beelaha gobolkaas kacdoon hubeysan oo ay ku diiddan yihiin in dalkaas ay xukumaan dadka isirkoodu yahay Carabta ku qaadeen xukuumadda Suudaan.

Daafuur ayaa waxaa tan iyo sannadkii 2007 ka socday howlgal nabad ilaalin ah oo ay iska kaashanayeen Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, iyadoo ay tan iyo xilligaas colaado ba’an ka dhaceen gobolkaas, kuwaasoo sababay in madaxweynaha Sudan Al-bashiir lagu eedeeyo dambiyo ka dhan ah bani’aadamnimada loogana yeero maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada.

Xukuumadda Khartuum ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay albaabbada isugu dhufatay xafiis xuquuqda aadanaha u qaabilsanaa howlgalka UNAMID ay ku lahayd caasimadda dalkaas, kaddib markii ay ka carootay xukuumadda eedeymo sheegayay in ciidamadeedu ay kufsi baahsan ka geysteen magaalo ka tirsan gobolka Daarfuur.

“Ciidamada UNAMID waxay culeys ku noqdeen nabadda Daafuur, halkii ay xaqiijinta nabadda gacan ka geysan lahaayeen, iyagoo difaacaya kooxaha mucaaradka ah… halkii ay ka difaaci lahaayeen shacabka,” ayuu Al-bashiir ku yiri shirkiisa jaraa’id. Isagoo intaas ku daray. “Hadda waanu ogaannay qorshaha UNAMID waana inay baxaan.”

Ciidamada UNAMID ayaa sheegay in lagu wargeliyay in loo diyaarinayo sidii ay Suudaan uga bixi lahaayeen, iyadoo hadalka madaxweynaha Sudan uu ku soo beegmayo xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay dhawaan sheegeen in howlgalkan lasoo gaba-gabeyn doono bisha Feberaayo 2015-ka.

Dublamaasiyiin is-qariyay oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee QM ayaa qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay bishii hore in laga fiirsanayo howlgalka ka socda Daarfuur, iyagoo xusay in Sudan ay ku wargelisay golaha ammaanka inaysan u baahnayn in howlgalkan uu kasii socdo dalkooda.

Xukuumadda Sudan ayaa si aad ah uga caroortay warbixin laga soo xigtay ciidamada UNAMID oo sheegaysay in ciidamada Sudan ay 200 oo gabdho iyo haween isugu jira ay kufsi baahsan ugu geysteen deegaan lagu magacaabo Tabit oo waqooyiga Daafuur ku yaalla.

Khartuum ayaa iska fogeysay eedeymahaas, iyagoo ku tilmaamay kuwo lagu doonayo in lagu xumeeyo muuqaalka ciidamadooda, waxaase xukuumaddu ay diidday in ciidamada UNAMID ay booqdaan Tabit, inkastoo xilli dambe uu howlgalku sheegay inay eedeymahaas kufsiga ah u hayn wax caddeymo ah.

Ugu dambeyn, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay 10-kii bishan November 2014-ka inay ka walaacsan tahay baqdinta la gelinayo dadka dhibaatada loo geystay iyadoo sheegtay in ciidammo aad u fara badan ay xukuumadda Suudaan ka joogaan deegaanka la sheegay inuu kufsigu ka dhacay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa