4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 30, 2014
Ciidamada dowladda Somalia iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay gobolka Gedo

Axad, November 30, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Somalia iyo xoogag Al-shabaab taabacsan ayuu maanta iska-horimaad ku dhexmaray duleedka xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey, iyadoo dagaalkan uu yimid kaddib weerar ay Al-shabaab ku qaaday fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin halkaas.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowlada ee gobolka Gedo oo lagu magacaabo Jaamac Mukhtaar Xirsi ayaa sheegay in Al-shabaab ay dagaalkaas waxyeello  ku gaarsiiyeen, isla markaana ay ka qabteen laba ruux oo midkood uu yahay dhaawac.

“Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar abushaad ah isku dayay inay soo weeraraan saldhigyo ay Al-shabaab ku leedahay duleedka Gabahaarey, balse khasaare ayaan u geysannay,” ayuu yiri Xirsi oo intaas ku daray inay dileen saddex ka mid ah xoogaggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

Ma jirto sarkaalka khasaare dhankooda soo gaaray oo uu sheegay, laakiinse Al-shababaab ayaa iyaduna dhankeeda sheegatay inay weerarkaas guulo ka gaareen, inkastoo aysan sheegin khasaare kasoo gaartay iyo mid ay iyagu u geysteen ciidamadii ay weerareen.

Al-shabaab waxay warkeeda ku xustay in ciidamadeedu ay u suuro-gashay inay gudaha u galaan saldhigga ay weerareen, sidoo kalena ay madaafiic ku garaaceen xarun ay degmada Garbahaarey ku leedahay hay’adda WFP.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Al-shabaab weerarro noocan oo kale ah ku qaaddo saldhigyo ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin gobolka Gedo oo ay intiisa badan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa