4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 30, 2014
Askari ka tirsan booliska Somalia oo dil & dhaawac u geystay dad kala duwan

Axad, November 30, 2014 (HOL) — Askari ka tirsan booliiska Somalia ayaa maanta hal qof ku dilay sadex qof oo kalena ku dhaawacay xaafadda Taleex ee degmada Hodan, gaar ahaan agagaarka Cawardii hore ee Muqdisho.

Sida warku sheegayaan askariga ayaa dadka siyaabo kala duwan u weeraray taasoo illaa hadda dadka xaafaddaas ay hadal-hayaan sababta uu askarigan u beegsaday dadkan oo la sheegay inay xigto ahaayeen.

Ciidamada Saldhigga Booliiska Degmada Hodan ayaa isku dayay inay qabtaan askariga toogashada sameeyay, balse wuu is-difaacay taasoo keentay inay dhaawacaan, markaas kaddibna ay gacanta ku dhigaan.

“Askarigu wuxuu dadka ku weeraray meelo kala duwan, markii hore wiil ay xigto yihiin ayuu gurigiisa ugu tagay oo uu xabbad killida kaga dhuftay, wiil kale oo suuqa joogay ayuu haddana cunaha xabbad kaga dhuftay, markaas kaddib ayaa ciidamada loo yeeray, wuu is-difaacay, isagana dhaawaca ayaa loo geystay,” ayuu yiri goobjooge ku sugan xaafadda uu falkaas ka dhacay.

Goobjoogahan ayaa sidoo kale, sheegay in hal qof uu dilay askariga, saddex kalena uu dhaawac u geystay, isagoo xusay inaan la ogeyn sababta uu falka u sameeyay, balse waxaa loo maleynayaa buu yiri in maskaxda loo dhaafay.

Saraakiisha booliiiska saldhigga degmada Hodan ayaa iyaguna warbaahinta u sheegay inay askarigii dhibaatada geystay gacanta ku dhigeen, isagoo ah dhaawac, haatanna uu ku xiran yahay xarunta dambi-baarista ee CID-da.

Ugu dambeyn, saraakiishu waxay sheegeen in baaris lagu sameyn doono sababta ku kalliftay inuu dadkan oo shacab ah siyaabo kala duwan weerar ugu qaado uuna dilo hal qof saddex kalena uu dhaawac u geysto.

Askarigan oo ka tirsan ciidamada booliiska Somalia ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo fal noocan oo kale ah Muqdisho ka geystay, iyadoo arrintan ay cabsi weyn ku beertay dadka ku nool Carwadii hore oo ku taalla degmada Hodan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa