4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 30, 2014
Barnaamij looga Hadlayay Xeerka Soomaalidii Hore oo Muqdisho lagu Qabtay


Axad, November 30, 2014 (HOL) — Kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo uu bishan Muqdisho ku qabtay Machadka Daraasaadka Soomaalida (ISOS) ayaa ciwaan looga dhigay ‘Xeerka Soomaalidii hore iyo Qaanuunka Soomaaliya’  iyadoo kulanka uu kasoo jeediyay faallo arrintan ku saabsan aqoonyahan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo, Axmed Sheekh Cali (Buraale).

Buraale ayaa sheegay in Soomaalidu leedahay xeerar soo jireen ah, haddii ay noqon lahayd garsoorka ama hannaanka dhaqan-dhaqaale ee bulshadu ku dhaqmi jirtay si arrin taagan xal uga gaaraan.

Aqoon-is-weydaarsigan ayaa lagu soo bandhigay xeerarkii garsoorka ee ay isku xukumi jirtay Somalidu markii ay arrin isku qabtaan. Iyadoo Buraale uu is-barbardhig ku sameeyay qawaaniinta casriga ah iyo xeerkii hore ee ay Soomaalidu lahaan jirtay.

Sidoo kale, aqoon-is-weydaarsiga waxaa kasoo qayb-galay aqoonyahanno qaanuunka iyo shareecada iyo dhaqanka Soomaalida ku xeel-dheer, si aad u fiican ayayna uga doodeen mawduucan, iyagoo ugu dambeynna kasoo jeediyay talooyin dhowr ah.

Dhamaan aqoonyahannadii ka qaybqaatay barnaamijkan ayaa isla gartay inay lama huraan tahay in xeer-Soomaaliga kaalin muuqata laga geliyo sharciyada iyo qawaaniinta Somalia.

Axmed Sheekh Cali Buraale waa garsoore iyo qoraa Soomaaliyeed, isagoo ku biiray gar-soorka maxkamadaha Somalia sannadkii 1967-kii, wuxuu leeyahay waayo-aragnimo nus-qarni ah. Waa qoraa buugga ‘Xeerka Soomaalidii hore’ oo la daabacay 1977-kii, mar kale la daabacay 2002-kii; isagoo loo turjumay af-Ingiriisi ‘THE SOMALI CUSTOMARY LAWS’.

Machadka daraasaadka Soomaaliya - Institute for Somali Studies (ISOS) oo barnaamijkan qabtay ayaa ah xarun cilmibaariseed oo raacsan Jaamacadda Muqdisho. Machadku wuxuu sameeyaa cilmi-baaris kala duwan.

Hawlaha machadka waxaad kala socon kartaa bartiisa Facebook ee facebook.com/isos.mm 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa