4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2014
Baydhabo oo laga agaasimayo caleemo-saarka Shariif Xasan & Baaris socota


Axad, November 30, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa ka socda abaabulka caleemo-saarka madaxweynaha Koonfur-galbeed Somalia ee 3-da gobol ka kooban, Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo magaalada ay ka socdaan baaritaanno lagu ammaanka lagu adkeynayo.

Baaritaannada ayaa waxaa sameynaya ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo xilliga ay baaritaannada ka  sameynayaan magaalada la jaro isgaarsiinta oo dhan.

Xaafadaha Baydhabo ayaa waxay ciidamadu u baarayaan mid-mid, iyagoo galaya guri walba, halkaasoo ay ka raadinayaan hub iyo waxyaabaha kale ee qarxa, inkastoo aysan jirin cid ay ciidamadu qabanayaan.

Dhanka kale, xarunta ADC–da Baydhabo oo ahayd madaxtooyada maamulka kale ee Koonfur-galbeed ee lixda gobol ka kooban ayaa waxaa tagay ciidamo tabacsan maamulka sedexda gobol, halkaasoo ay horay u joogeen ciidammo ka amar-qaata Madoobe Nuunoow.

Labada ciidan ayaa wada-deggen xarunta ADC halkaas oo ay horay fariisin ugu ahayd baarlamaankii dowladdii KMG ahayd ee uu hoggaaminayay Col. C/llaahi Yuusuf Axmed.

Waxaa la filayaa in ADC-da lagu qabto caleemo-saarka madaxweynaha maamulka saddexda gobol ee Koonfur-galbeed, iyadoo ay hadda wada joogaan labada ciidan ee ka amar-qaata maamulka dhawaan la dhisay iyo kii horay Baydhabo u joogay ee lixda iyo saddexda gobol ka kala kooban.

Hiiraan Online, Baydhabo