4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 30, 2014
Dhallinyarada xaafadda oo laga Wacyi-galiyay Xag-jirnimada iyo Maandooriyaha (SAWIRRO)


Axad, November 30, 2014 (HOL) — Ururka Eastleighwood ayaa shalay ku qabtay xaafada Eastleigh "Islii" ee magaalada Nairobi, kulan wacyi-galin iyo is-dhex-gal isugu jiray oo ku saabsanaa sidii dhalinyaradda Soomaaliyeed looga wacyi galin lahaa ku lug lahaanshaha falalka xag-jirnimada iyo waliba dhibaatooyinka ay ka mid yihiin muqaadaraadka iyo waxyaabaha maanka dooriyo.

Burhan Imaan oo ah isku duwaha guud ee Ururkaas, ayaa sheegay in dhalinyaradda lagu sameyo waxyaabo niyadooda badalo isla markaasna loo adeegsado dhibaatooyinka inta badan dhaco, isagoona sheegay in ururkoodu uu yahay mid u taagan wacyi galinta da'yarta Soomaaliyeed.

"Eastleigh-wood waa Urur dhalinyarro oo sameyo wacyi-galin, kuna baraarujiya dhallinta inaysan ku kicin falal burburin karo mustaqbalkooda isla markaasna waxaan ku tababarnaa da'yarta waxyaabo ay ku shaqeysan karaan, ayuu yiri Burhan Imaan oo ka hadlay xaflad Islii ay ku qabteen oo dhalinyaro badan ay ka soo qeyb galeen.

Axmed Maxamed (Axmed Security) oo ah Madaxa Amniga Xaafadda Eastleigh (Islii), ayaa isagana sheegay iney jiraan dhibaatooyin kala duwan oo xaafada ka dhaco, kuwaasoo ay ku lug leeyihiin dhalinyaro Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay waalidiinta iney ka war-hayaan waxyaabaha ay sameynayaan caruurtooda.

Sidoo kale Shiine oo ka tirsan howl-wadeenada ka shaqeyo Xafiiska uu xaafada Islii ku leeyahay Xildhibaanka  Yusuf Xasan Abdi, Mudanaha laga soo doorto degmada Kamukunji, ayaa tilmaamay in Baraarujinta dhalinyarada ay qeyb ka qaadan karto ka hor-taga dhibaatooyin kala duwan oo dhalinyaradu ay sameyn lahayeen.

Wacyi galinta loo sameeyo dhalinyarada ayuu ku sheegay Burhan Imaan, in ay noqon karto xeelada ugu fiican ee lagu yareyn karo falal dambiyedyadda ay dhalinyaradu sameeyaan.

"Waxaa muhiim ah hadii aad dhalinyaro tahay in aad u istaagtid sidii aad oga fogaan laheyd dabeecadaha bulshada lidka ku ah sida isticmaalka Maandooriyaha iyo ku lug lahaanshaha sameynta waxyaabaha aanan bulshada u wanaagsaneyn. Wacyi-galintuna waa doorka ugu fiican ee dhalinyarada dhibka looga reebi karo" ayuu mar kale yiri Burhan Imaan.

Ugu dambeyn, Eastleighwood Youth Forum "EYF" waa Urur dhalinyaro oo ka dhisan xaafada Islii kaasoo sameyo wacyi galin ku saabsan is dhex galka bulshada iyo ka hortaga falalka xag-jirimada iyo Maandooriyayaasha.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]   
Nairobi – Kenya