4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 30, 2014
Xildhibaannada kasoo Horjeeda Mooshinka oo Aqbalay in Cod lagu kala baxo

Axad, November 30, 2014 (HOL) — Xildhibaannadii diidanaa mooshinka ka dhanka ah xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare C/wali Sh. Axmed ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan go’aanka kasoo baxay guddoonka baarlamaanka ee lagu go’aamiyay xilliga ay dib u bilaabanayaan shirarkii baarlamaanka Soomaaliya.

Go’aan guddoomiyaha baarlamaanka uu soo saaray shalay ayuu ku xusay in lasoo afjaray khilaafkii baarlamaanka ee qalqalka geliyay kulammadii ay ku yeesheen xaruntooda Muqdisho, isla markaana Talaadada ay si rasmi ah u furmi doonaan kulammada baarlamanka.

Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil oo ka mid ahaa xildhibaanadii kasoo horjeeday mooshinka ayaa sheegay inay tanaasul sameeyeen, kadidb markii ay dhowr jeer is hor-taageen mooshin uu ku tilmaamay inuu sharci-darro yahay, isla markaana ay ogolaadeen in kulanka baarlamaanka uu ku furmo si ka duwan sidii hore

“Arrinta guddoomiyaha uu sheegay aad baan u soo dhaweynaynaa, waxayna ku timid tanaasul aan anaga sameynay, sababta aan u sameynayna ma aha inaan ka tanaasulnay mooshinkii sharci-darrada ahaa, waxaan ogolaannay in kulamada baarlamaanka ay furmaan,” ayuu yiri xildhibaan Jabriil oo BBC-da u warramayay.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay inay weli ku adag yihiin mowqifkoodii ahaa in mooshinka uu yahay mid sharci-darro ah, lana soo siyaasadeeyay, iyana ay diyaar u yihiin in xildhibaannada saaxibbadood ah ay ka dhaadhi-ciyaan in mooshinka ay la ordayaan uu qalad yahay.

“Waa mooshin siyaasadeed oo la mid ah bambaano lagu soo tuuray xarunta baarlamaanka Soomaaliya, hadii ay diidaan talooyinkeenna waxaa diyaar la nahay inaan cod ku kala baxno, waxaana ku rajo weynahay inaan guuleysan doonno oo mooshinka ay la ordayaan aanu qarka ka tuurno” ayuu xildhibaan Jabriil hadalkiisa kusoo gunaanaday.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa kulammada baarlamaanka Somalia saameyn weyn ku yeeshay khliaafka u dhexeeya madaxweynaha Somalia iyo ra’iisul wasaarihiisa, kaasoo aan weli wax xal ah loo helin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa