4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 30, 2014
Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay Federaalka iyo Xoojinta Ciidamada DFS

Axad, November 30, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isku dhafka ciidanka gobollada dalka iyo kuwa Qaranka ay qayb weyn ka qaadanayso dhisidda awoodda ciidanka iyo horumarinta federaalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa qoraal uu xafiiskiisa kasoo saaray kaasoo looga hadlay mustaqbalka Somalia iyo sida loo mideyn karo cududda ciidamada maamul-goboleedyada iyo kuwa Qaranka Soomaaliyeed ayuu ku sheegay in Somalia ay horumar ku sii socoto, loona baahan yahay xilliga in lagu dhameystiro howlaha dhiman..

Warka ayaa lagu xusay in isku-dhafka ciidamada ka jira maamullada dalka iyo kuwo Qaranka ay hore u dhigi karto yoolka ay dowladdu higsanayso oo ah hirgelinta nidaamka federaaliisimka.

Sidoo kale, warka ayaa lagu sheegay in qarameynta ciidamada gobollada ay sii xoojineeyso awoodda iyo cududda ciidamada, ayna sharaftii iyo kartidii lagu yaqiinay ciidamadeenna soo celin doonto.

Warka ayaa lagu xusay in shirar dhawr ah oo qaarkood ay ka dhaceen dalka dibaddiisa ay dhiirri-gelinayaan, horumarinta ammaanka guud ee wadanka, kuwaasoo la tilmaamay in shirarkaas looga hadlayay amniga kaasoo London ka dhacaya bishii September 2014.

Dhanka kale, madaxweynuhu wuxuu qoraalkiisa kaga hadlay dhiirri-gelinta maamullada ka hanaqaadaya gobollada dalka, wuxuuna muujisay sida ay dowladda uga go’an tahay hirgeilinta nidaamka fedraaleynta dalka.

Xasan Sheekh ayaa xusay in haddii la mideeyo ciidamada maamullada iyo kuwa Qaranka ay dowladdu awoodu yeelan doonto xaqiijinta amniga guud ee dalka, iyagoo guulo waaweyn kasoo hoyn doona la dagaalanka wuxuu ugu yeeray argagaxisada.

Dowladda Somalia ayaa dadaal ugu jirta sidii ay ciidamada dalka oo dhan u mideyn lahayn; iyadoo dhawaan wafdi heer wasiir ah oo ka socda dowladda ay booqasho ku tageen magaalada Kismaayo, kuwaasoo dhanka ciidamada al lasoo saxiixday maamulka Jubba.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa