4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 30, 2014
RW: Xiligaan dadka Soomaaliyeed ma Xamili karaan Colaado Macno-darro ah

Axad, November 30, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaannada hoos-taga Xarardheere inay deg-deg u joojiyaan colaadda, miiska wada-hadalkana ay isugu yimaadaan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dagaalladaan aysan ahayn kuwo loo cudur-daari karo marka la eego khasaaraha nafeed ee ka dhashay iyo barakaca ay u gaysteen dadka deegaannadaas ku dhaqan.

“Beelaha walaalaha ah ee dirirtu ka dhaxayso waxaan ugu baaqayaa inay xabad-joojin deg-deg ah ku dhaqaaqaan, kana waantoobaan colaadaha macno-darrada ah ee kusoo noq-noqonaya deegaanka,” ayuu yiri C/weli oo dhanka kalana sheegay in maamullada ka jira gobolladaas looga baahan yahay ka qayb-qaadashada daminta colaadda iyo xal u helida mushkiladda ka taagan deegaankaaas.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka, nabad-doonnada iyo ururada bulshada rayidka ah inay u istaagan joojinta colaaddaas, una fidiyaan gogol-nabadeed dadka dirirtu ka dhaxayso, si meesha looga saaro colaadda, loona soo celiyo kalsoonidii ka dhaxaysay dadka walaalaha ah ee wada-daga deegaannadaas.

Dagaalkan oo ka dhacay tulooyin u dhow degmada Xarar-dheere ee gobolka Galgaduud ayaa salka ku haya aanooyin qabiil, waxaana lasoo sheegay inay ku dhinteen dad gaarayaa 15-qof sidoo kalana ay ku dhaawacmeen 25-qof oo kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa