4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 30, 2014
Britain oo Sheegtay in kumannaan qof Addoonsi ahaan loogu haysto dalkeeda

Axad, November 30, 2014 (HOL) — Warbixin ay wasaaradda arrimaha dibadda UK soo saartay ayay ku sheegtay in n tiro u dhexeysa 10,000 illaa 13,000 oo qof qaab adoonsi ahaan ah loogu haysto gudaha dalkaas, tiradan oo aad uga badan qiyaasihii horay loosoo saaray.

Warbixinta ayaa lagu xusay in dhibanayaasha ay ka mid yihiin haween qaab adoonsi ahaan ah jirkooda looga ganacsado iyo kuwo lagu shaqeyso, waxaa kaloo ka mid ah sida warbixinta lagu sheegay kuwo ka shaqeeyaan beeraha, warshadaha iyo doonyaha kalluumaysiga.

Tiradan ayaa ka badan tii lasoo saaray sannadkii hore ee 2013, iyadoo tani ay noqonayso tiradii rasmiga ahayd ee nooceeda ah ee lasoo saaro, taasoo si dhab ah u muujinaysa dadka adoonsi ahaanta loogu haysto Britain.

Sidoo kale, wasaaradda arrimaha gudaha Britain ayaa sheegtay inay waddo qorshe ay wax kaga qabanayso dhibaatada lagu hayso kumannaanka qof ee ay dumarku ku jiraan.

Dadka la adoonsado ayay wasaaraddu ku sheegtay inay intooda badan yihiin dadka laga soo tahriibiyay in ka badan 100 dal, gaar ahaan Albania, Nigeria, Vietnam iyo Romania iyo sidoo kale dhallinyarada iyo carruurta ku dhashay Britain.

Hay’adda ka hortagga tahriibka oo wada-shaqeyni ay kala dhexeyso xarun ka shaqeysa ka hortagga dembiyada ayaa sheegay sannadkii hore 2013-ka tirada dadka dhibanayaasha u ah addoonsiga ka jira gudaha dalka Britain ay ahaayeen 2,744-qof.

Qiyaastan ayaa ahayd mid ku saleysan macluumaad laga soo aruuriyay ilo dhowr ah oo ay ka mid yihiin; booliiska iyo ilaalada soohdimaha, NGO-yo iyo hay’ado kale.

Wasaaradda arrimaha gudaha Britain ayaa sheegay in habka tirakoobka ay dhici karto mararka qaarkood inay kasoo baxdo qiyaas aan sugnayn, taasoo ay intooda badan soos aaraan hay’adda ka hortagga dambiyada ee Britain.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay warbixinteed ku xustay in natiijadan oo hor-dhac ah ay ka badan karto tirada dhibbanayaasha la ogaaday, balse baaris dheeraad ah la sameyn doono si tiro sugan lagu helo.

Xukuumadda Britain ayaa qorsheynaysa sida ay wasaaraddu sheegtay inay baarlamaanka hordhigto adoonsigan casriga ah si ay uga doodaan go’aanna looga gaaro, iyadoo ujeeddada ku sheegtay inay kasoo baxaan go’aano sahli kara in la dhowro xuquuqaha dadka laga soo tahriibiyo ee loo dhaqmo si ka soo horjeedda rabitaankooda.

Gobollada Scotland, Wells iyo Northern Ireland oo ka mid ah gobollada ay ka kooban tahay boqortooyada Britain ayaa iyaguna qorsheynaya inay qorshe la mid ah kan gobolka England soo-jeediyaan, kaasoo lagu joojinayo adoonsiga ka jira Britain.

Wasiiradda arrimaha gudaha UK, Theresa May ayaa sheegtay in macnaha guud qorshahooda uu yahay sidii wasaaradaha, hay'adaha iyo la-hawl-galayaashooda ay u xallin lahaayeen dhibaatadan, loona helo qodob ku saabsan sharciga oo qayb ka ah xallinta arrintan.

"Waxaa la joogaa waqtigii aan si wadajir ah tallaabo u qaadi lahayn oo aanu la dagaalanno adoonsiga casriga ah ee dalkan iyo adduunka oo dhan ka jira, iyo inaan joojinno dadka aan waxba galabsan ee dhibaatadan oo kale lagu hayo.

Ugu dambeyn, wasiiraddu waxay sheegtay in ciidamada gaarka ah ee Britain ay qayb ka yihiin kooxaha ka hortagaya ka ganacsiga bani’aadamka, ayna si gaar ah u ilaalin doonaan in dad la tahriibinayo laga soo dajiyo garoommada iyo dekedaha dalka Britain.

Aidan oo ah madaxa hay’adda ka hortagga addoonsiga ayaa sheegay inay go’aanka wasaaradda soo dhaweynayaan, balse su’aasha la is-weydiinayo ay waa sidee qorshaha dowladdu u dajisay wax ka qabashada addoonsiga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa