4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 30, 2014
Barlamaanka Puntland oo ka dooday Dhulka ka Maqan Gacanta Maamulkooda

Axad, November 30, 2014 (HOL) — Xildhibaanada barlamaanka Puntland oo kalfadhi aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Garowe ayaa uga dooday dhulka Puntland ka maqan oo ay ku jiraan gobollada Sool iyo Sanaag.

Kalfdhigan oo ay soo xaadireen inta badan mudanayaasha barlamaanka ayaa warbixinno kala duwan looga dhagystay guddiyo arintan ka shaqaynayay ,iyadoo si gaar ah shirkan loogu soo hadal qaaday magaalada Laascaanood oo gacanta ugu jirta maamulka Somaliland.

Waxaa kalfadhiga oo saacado badan qaatay la isku raacay in la taageero howlaha ay wadaan guddiyadda ay xukuumaddu u saartay dib u soo celinta gobollada maqan,iyadoo markii ugu horeysay arintan laga dooday tan iyo markii madaxweyne Gaas xilka loo dhaariyay.

Xildhibaanada ayaa dalbaday in guddi barlamaanka ka tirsan loo saaro howshan si ay talooyin uga keenaan dib u soo celinta gobolladan ,waxaana dhowr jeer oo hore maamulka hadda jira lagu eedeeyay in uu arintan ka seexday.

Madaxweynaha Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiim Camey ayaa looga dalbaday  shirkan in ay hor-yimaadaan barlamanka si wax loogu weydiiyo ballan-qaadyadii ay arintan ka sameeyeen ka hor doorashadoodi.

Ugu danbayntii maamulka ayaa la sheegay in uu diyaar-garow ugu jiro sidii loo soo celin lahaa gobollada ka maqan, iyadoo uu jiro muran xagga xaduudaha ah oo kala dhaxeeya maamullada Somaliland iyo Khaatumo oo daris ah la Puntland.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]