4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 29, 2014
JAWAARI: Kulamada Baarlamaanku waxay Furmayaan Talaadada soo socota


Sabti, November 29, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa gellinkii dambe ee maanta sheegay xilliga ay dib u billaabnayaan kulammada baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha ayuu ku faahfaahiyay wadahadallo iyo wada-tashiyo ku saabsanaa sidii xal looga gaari lahaa nidaam-darrada soo wajahday kulammadii baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay inay maalinta Talaadada ah ee soo socota ay furmi doonaan kulammada baarlamaanka, isla markaana la guda-geli doono mooshinka kalsooni kala noqoshada xukuumadda RW Somalia.

Haddaba, halkan hoose ka akhriso qoraalka kazoo baxay Xafiiska Jawaari:

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa