4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 29, 2014
C/weli Gaas oo Kormeeray Qaar ka mid ah Xarumaha Dowladda ee Boosaaso

Sabti, November 29, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey garoonka diyaaradaha Boosaaso, xarunta taliska ciidanka booliska ee gobolka Bari iyo saldhigga dhexe ee booliska degmada Boosaaso.

Gaas oo kormeerkiisa ka bilaabay garoonka diyaaradaha ayaa mid mid u galay dhammaan xafiisyada uu garoonku ka kooban yahay isagoo intaas kadibna la kulmay maamulka iyo shaqaalaha shirkadda shiineyska ah ee dhisaysa dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan.

Markii uu Madaxweynuhu soo gaba gabeeyey kormeerka garoonka wuxuu tegey xarunta taliska ciidanka booliska ee gobolka Bari iyo saldhigga dhexe ee booliska degmada Boosaaso halkaasoo uu warbixino kaga dhegeystey saraakiisha ciidamada iyo qaar kamid ah maxaabiista.

Wafdi uu hogaaminayo Cabdiweli Gaas oo kasoo kicitimay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe ayaa shalay oo Jimce ahayd soo gaarey magaalada Boosaaso kadib hal maalin oo ay degmada Qardho soo joogeen.

Shir jaraa'id oo isla shalay uu madaxtooyada Boosaaso ku qabtey, wuxuu ku faah faahiyey ujeedka socdaalka uu xilligan Boosaaso ku yimid isagoo sheegay inuu kormeeri doono mashruuca lagu dhisayo garoonka una kuur geli doona xaaladda amaanka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya