4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 29, 2014
Dhismaha Suuq laga hirgelinayo Baladweyne oo la dhagax-dhigay (SAWIRRO)


Sabti, November 29, 2014 (HOL) — Dhismaha suuq cusub ee laga hirgalinayo magaalada Beledweyne, ayaa waxaa maal-galinaya dowladda Britain oo qorshuhu yahay inay ka fuliso gobolka mashaariic dhowr ah waxaana dhagax-dhigay mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo.

Suuqa oo ka koobnaan doona ilaa 100 dhisme ama qeybood oo ganacsi ah ayaa dhagax- dhiga kaddib waxaa ka hadllay mas’uuliyiin kala gadisan oo siweyn u soo dhaweysay mashruucan oo noqonaya mid qeyb weyn ka ah dib u soo nooleynta adeegyadii bulshada iyo kaabayaashii dhaqaalle.

Guddoomiyaha degmada Beledweyne Max’ed Cismaan Macalin Qalaafoow ayaa sheegay in dowladda ingariiska uga mahad celinayaan mashruucan bilowgga u ah sidda uu hadalka u dhigay mashaariic kale oo la fillayo in laga her-galiyo gobolka, isaga oo sheegay in suuqa uu ahmiyad weyn u leeyahay bulshada ku dhaqan magaalada.

Duqa magaalada Beledweyne Cumar Baadiyoow oo dhinaciisa ka hadllay munaasabada dhagax dhiga ayaa sheegay marka la soo dhameystiro dhismaha suuqan cusub in uu dabooli doono baahi weyn oo ay dadku qabeen in ay hellaan  xarun ganacsi u gaar ah, isaga oo intaa ku darray in siddoo kale uu qeyb ka qaadan doono bilicda magaalada.

Goobta laga hergalinayo suuqa ayaa  horay u aheyd dhul banaan ah oo kubada lacagu cayaaro,hasse ahaatee mas’uuliyiinta maamulka gobolka ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya loo badali doono xarun ganacsi oo ay siweyn bulshada uga faa'ideysato.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya