4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 29, 2014
Wasiirka arimaha dibada Somalia oo la kulmay Soomaalida ku Nool Talyaaniga


Sabti, November 29, 2014 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta si rasmi ah u soo gabagabeeyay safar uu ku joogay magaalada Rooma ee xarunta dalka Talyaaniga ayaa la kulmay xubnaha jaaliyadda Somaaliyeed ee magaalada Rome; isagoo kala hadlay xaaladda ay ku nool yihiin iyo doorkooda ku aaddan inay ka qayb-gaataan dib u dhiska dalkooda.

Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga ayaa ugu horreyn waxaa ka hadlay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Roma, Muuse Xasan Cabdulle oo faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay safaaradda tan iyo markii loosoo magacaabay xilkaan; wuxuuna xusay in safaaradda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Talyaaniga ay isku xiran yihiin, isla markaana ay safaaraddu dadaal ku bixinayso sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Ytalyaaniga u heli lahaayeen fursado waxbarasho iyo kuwo shaqo.

Sidoo kale, qaar ka mid ah xubnaha jaaliyadda ayaa aad ugu soo dhaweeyay  kulanka gaarka ah ee uu wasiir Beyle la qaatay; iyagoo tilmaamay inay aad ugu faraxsan yihiin in wasiika arrimaha dibadda Soomaaliya uu la wadaago marxaladaha ay ku nool yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Talyaaniga jooga.

Wasiirka arrimaha dibadda Beyle oo gaba-gabadii kulanka khudad jeediyay ayaa faahfaahin ka siiyay jaaliyadda horumarrada iyo is-bedellada ay ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo arrimaha dibadda wuxuuna ka codsaday xubnaha jaaliyadda inay ka qayb-qaataan dib u dhiska dalkooda; wuxuuna si gaar ah ugu dhiirri-geliyay inay ku xirnaadaan safaaraddooda oo ay la wadaagaan wax kasta oo caqabad ah ee lasoo gudboonaada shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Talyaaniga.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha dibadda oo uu wehliyo danjire Muuse iyo xubno ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Rome ayaa kormeer howleed kusoo kala bixiyay xarumaha ay safaaraddu ku shaqeyso iyo dhismooyin ay leedahay safaaradda oo burbur aad u baahsan laga dareemayo; isagoo u kuur-gelay heerka uu gaarsiisan yahay burburka xarumaha oo ay Somalia leedahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya