4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 29, 2014
Guddoomiyihii hore ee Mudug C/rashiid Dhuubane oo dib u helay Xorriyaddiisa

Sabti, November 29, 2014 (HOL) — C/rashiid Cali Xaashi (Dhuubane) oo saddex casho ka hor ciidamada booliiska degmada Garoowe ay xabsiga u taxaabeen ayaa maanta dib loogu soo celiyay xorriyaddiisa.

Taliyaha Qaybta Booliska Nugaal Axmed C/llaahi Samatar (Layli) ayaa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay sii deynta mas'uulkan, isagooo xusay in qaab damaanad ah lagu sii daayey.

Cabdirashiid Cali Xaashi (Dhuubane) oo horay usoo noqday guddoomiyaha gobolka Mudug wuxuu maalmo kahor dhaleeceeyey siyaasadda maamulka Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Shir jaraa'id oo maalin ka hor xariggiisa uu degmada Garoowe ku qabtay ayuu ku sheegey in Cabdiweli Gaas ku guul dareystey inuu fuliyo ballanqaadyadii uu sameeyey xiligii uu marashaxa ahaa.

C/qani Xaashi Cali  oo ah guddoomiyaha gobolka Nugaal oo mar sii horeysey warbaahinta gudaha Puntland la hadlay ayaa sababta Dhuubane loo xiray ku sheegay inay tahay kadib markii uu ku xadgudbey sumacadda Madaxweynaha.

Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in siyaasigaasi faafiyey warar been abuur ah oo wax u dhimi kara nabadgelyada iyo jiritaanka Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waa siyaasigii ugu horreeyey ee Garoowe lagu xiro laga soo bilaabo markii Cabdiweli Gaas loo doortey Madaweynaha Puntland horraantii sanadkan 2014.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya