4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 29, 2014
Wariyeyaal lagu dhaawacay Muqdisho oo Maanta Deeq lacageed la Gaarsiiyay


Sabti, November 29, 2014 (HOL) — Deeq lacageed oo ay iska soo ururiyeen qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha dalka ayaa waxana maanta la gaarsiiyay wariyaal dhaawac ah oo ku jira isbitaalka Madiina ee Muqdisho.

Wariyaasha deeqdan lacageed la gudoonsiiyay ayaa kala ah: C/risaaq Cilmi Black, Nuurre Maxamed Cali iyo Ibraahim Cabdullaahi Axmed (Sheelare) oo siyaabo kala duwan uga dhawaacmay caasimadda Soomaaliya.

Lacagta oo gaaraysay 3,700 oo doollarka Mareykanka ah ayaa wariye kasta qaybtii uga soo saadday, iyadoo C/risaaq Black la guddoonsiiyay 1,200 oo doollar, Nuurre Maxamed Cali ayaa isna la guddoonsiiyay 1,000 doollar iyo Ibraahim Sheellare oo isna la guddoonsiiyay 500 oo dollar.

DHAGEYSO: Hadalladii laga jeediyay Deeqda Lacageed ee Wariyeyaasha

Xogyaha guud ee Ururka Saxafayiinta Qaranka Soomaliyeed ee NOSOJ, Max'ed Ibraahim Pakistaan ayaa sheegay in mar kasta looga baahan yahay wariyeyaasha inay sidaan oo kale isugu gurmadaan.

Madaxa caafimaadka isbitaalka Madiina, Duniye Cali Maxamed ayaa iyaduna ka sheegtay goobta in arrintan ay tahay mid muujinaysa in warbaahinta ay isku duuban tahay, iyadoo hoosta ka xariiqday in xaaladda caafimaad ee saddexda wariye ay tahay mid aad u wanaagsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa